Meydad Laga Helay Duuleedka Deegaanka Lafoole

Muqdisho (KON)- Goobjoogayaal ku suggan deegaanka Lafoole ee gobbolka Shabeellaha Hoose ayaa noo xaqiijyay in meydadka sadex qof oo ay rasaas badan jirkooda ka muuqdaan laga helay duleedka deegaanka Lafoole.
Warar Keydmedia Online
Meydad Laga Helay Duuleedka Deegaanka Lafoole

Wararku waxaa ay sheegayaan in raggaan la dilay ay ka tirsanyihiin Maleeshiyaadka kooxda Shabaab, waxaana la sheegayaa inay dileen Ciidamada Dowladda Soomaaliya kadib dagaal saacado kooban socday oo xalay ka dhacay duleedka Lafoole dhinaca howdka.

Dad aad u fara badan ayaa isugu soo baxay goobta meydadkaan laga helay ee duleedka Lafoole.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay masuulyiinta iyo saraakiisha Dowladda oo ku aadan meydadkaan laga helay duleedka Lafoole.

Keydmedia Online -Xafiiska, Muqdisho

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.