KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Meydka wiil Soomaaliyeed oo ahaa ganacsade ku noolaa dalka Kenya, muddo toddobaad ahna la raadinayay ayaa la helay.
NAIROBI, Soomaaliya - Waxaa maalmo ka hor laga afduubtay magaalada Nairobi Bashiir Gaboobe Maxamuud oo ahaa ganacsade iyo injineer dhallinyara ah oo dhawr sano ka hor ka soo guuray magaalada Seattle, ee waddanka Mareykanka.
Meydkiisa ayaa shalay laga helay tuulada Mwea ee gobolka Kirinyaga, magaalada Nairobina u jirta 180 km.
Marxuumka ayaa kahor inta aan meydkiisa la helin waxaa gaarigiisa oo ahaa nuuca Range Rover la helay maalmo kahor isagoo gabi-ahaanba la gubay.
Marxuumka ayaa lagu aasi doonaa maanta magaalada Nairobi ee waddanka Kenya.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.