Madaxweynihii hore ee Maamulka Puntland oo Nairobi ku geeriyooday

Geerida marxuumka ayaa sidoo kale waxaa ka tacsiyadeeyay siyaasiyiin iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo Puntland.

Warar Keydmedia Online

Allaha u naxariistee waxaa xalay magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya ku geeriyooday madaxweynihii hore ee Puntland Maxamed Cabdi Xaashi sida ay xaqiijiyeen qaar ka tirsan eheladiisa oo warbaahinta la hadlay.

Marxuum Maxamed Cabdi Xaashi oo ahaa madaxweynihii 2-aad ee Puntland, isla markaana kaalin weyn kulahaa aasaaska maamul goboleedka Puntland ayaa maalmihii la soo dhaafay ku xanuunsanayay magaalada Nairobi, isagoona xalay saqdii dhexe halkaas ku geeriyooday.

Geerida marxuumka waxaa ka tacsiyadeeyay madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay madaxtooyada maamulkaas.

“Alle ha u naxariistee Madaxweynihii hore Dowladda Puntland Marxuum Maxamed Cabdi Xaashi wuxuu ka mid ahaa Aasaasayaashii kasoo shaqeeyay dhismaha Puntland, sidoo kale waxaa uu soo noqday Madaxweyne Ku-xigeenkii ugu horeeyay ee Puntland” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Madaxweyne Deni.

Marxuum Maxamed Cabdi Xaashi ayaa ahaa madaxweyne ku xigeenka 2-aad ee, ay yeelato Puntland 1998 ilaa dhammaadkii 2004, wuxuuna xilka madaxweynaha la wareegay 10 October 2004, isagoona haayay ilaa 8 january 2005.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.