KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Dad goob jogayaal ah ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa nooca mina Rimootka ah ee gacanta lagu hago, waxana Qaraxa lagu bartilmaamaysaday Gaari uu lahaa mid kamid ah ugaasyada Kismaayo.
Ugaaska oo Magacisa lagu sheegay Cabduqadir Shiq Axmed ayaa ku Geeriyoday Qaraxa waxana dadka degaanka magaaladasi ay tilmaamen in ugaaska kamid ahaa dadkii soo dhisay Maamulka habka beel uga dhisan Kismaayo uu hogaaminaayo dagaal ooge Axmed Madoobe.
Ugu 3 yaraan Qof uu ugaaskaasi ku jira ayaa ku Geeriyotay qaraxaasi oo imaanya iyadoo maal mihi danbe ay magaaladu dagaananshiyo laga dareemayey.
Ugaaska ayaa ayaantaan dhaliili jiray Maamulka Axmed Madoobe iyo Maleeshiyaadka Raaskambooni, wuxuuna markii ugu dambeesay ku eedeeyay Axmed Madoobe in uu Dhul Boob ka wado Kismaayo.
Xaalada ayaa hada dagan inkastoo ay maalin jimca ah iska tahay oo aysan gobo badan oo ganacsiga magaalada aysan furneen.
Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.