Midowga Afrika oo Ergayga cusub usoo magacaabaya Soomaaliya

Ilo Diplomaasi ayaa u sheegay Wargeyska The EastAfrican inaysan “waaqici ahayn” in Francisco Madeira uu dib ugu soo laabto Soomaaliya ka dib markii uu dalku ka xayuubiyay dhowr arrimood oo diblomaasiyadeed.

Warar Keydmedia Online
Midowga Afrika oo Ergayga cusub usoo magacaabaya Soomaaliya

ADDIS ABABA - Howlgalka Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya [ATMIS], ayaa la filayaa in uu yeesho hogaamiye cusub maalmaha soo socda kadib markii uu xumaaday xiriirka u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo madaxa howlgalka Madeira todobaadkii hore.

Ilo Diplomaasi ayaa u sheegay Wargeyska The EastAfrican inaysan “waaqici ahayn” in Francisco Madeira uu dib ugu soo laabto Soomaaliya ka dib markii uu RW Rooble ku tilmaamay in aan laga rabin Soomaaliya, laguna wargeliyay inuu 48 saac uga baxo Muqdisho.

Isha warka ayaa sheegtay in Mr Madeira, oo u dhashay Mozambique, lagu cadaadiyay inuu xilka ka dago si aysan joogitaankiisa muranka dhaliyay u saameyn howlgalka cusub ee ATMIS.

Wargeysaka The East African ayaa sheegay in lagu beddeleyo Madeira Maman Sambo oo u dhashay Niger.

ATMIS oo ah howlgalka cusub oo nabad ilaalin ah ayaa howlgalka la wareegay 1-dii bishan, ka dib markii waqtiga AMISOM uu dhamaadey, oo ku fashilantay dagaalka Al-Shabaab oo socday 15 sano.

Si kastaba ha ahaatee, xilliga kala guurka ah, ayaa kusoo beegmaya iyadoo ay soo ifbaxday in Mr Madeira uu dhibaato ka wadey Soomaaliya, iyadoo la maqlay cod uu ku canaantay mas'uuliyiinta dowladda, waxaana uu ku kacay falal ka baxsan shaqadiisa.

Maalintii Khamiista ee toddobaad hore, Guddoomiyaha Midowga Afrika, Moussa Faki, wuxuu si cad u sheegay inuu "kalsooni buuxda uu ku qabo" Madeira, isagoo taageeray qoraalkiisa Famaajo ee uu uga soo horjeestay go'aankii Ra'iisul Wasaare Rooble dalka uga eryay Ergayga. .

Isniintii, Roble waxa uu dhaqan geliyay go'aankii cayrinta Madeira, oo ay ka mid ahaayeen in laga xayuubiyay mudnaanta dublamaasiyadeed sida gelitaanka garoonka Muqdisho, waxaana lagala noqdey dukumintiyada dal ku galka.

Tan iyo 2019, dowladda Soomaaliya ayaa saddex dublomaasi ka cayrisay dalka, kuwaasoo labo kamid ah ay ahaayeen Afrikan iyo Wakiilkii UN-ka Haysom, oo markii uu ka hadlay dadkii lagu dilay Baydhabo Dec 2018 lagu amray inuu Muqdisho ka baxo.

2020, baaritaan gudaha Midowga Afrika laga sameeyay, ayaa lagu ogaaday in Madaxda AMISOM ee ku sugan Xalane ku kaceen musuqmaasuq, maamul xumo, dhibaateyn shacabka Soomaaliyeed, oo kufsi kamid yahay, iyo faragelin siyaasadeed.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.