Midowga Yurub oo ku baaqay in ciidamada laga saaro Muqdisho

Midowga Yurub, ayaa ku baaqay in arrimaha doorashooyinka lagala shaqeeyo Sii-hayaha Xilka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Rooble, isla markaana ciidamada is hor fadhiya laga saaro caasimadda.

Warar Keydmedia Online
Midowga Yurub oo ku baaqay in ciidamada laga saaro Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Danjiraha Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Ambasador Nicolas Berlanga, ayaa tilmaamay in looga baahan yahay cid kasta oo dooneysa doorasho hufan in ay Sii-hayaha Xilka Ra’iisul Wasaaraha kala shaqeyso, howlaha uu wado.

“Kuwa doonaya inay door wanaagsan ka ciyaaraan doorashooyinka waa inay ku taageeraan Ra’iisul Wasaare Rooble, shaqooyinkiisa muhiimka ah ee uu wado”. Ayuu yiri Nicolas Berlanga.

Dhanka kale Danjiraha Midowga Yurub, wuxuu dalbaday in ciidamada is diidan laga saaro magaalada Muqdisho, “In Muqdisho lagu kala qeybiyo maleeshiyo ama ciidamo amni oo leh talis ka baxsan qadka talis guud ma caawineyso dadka Soomaaliyeed”. Ayuu yiri Berlanga.

Tan iyo 12-kii Apriil, waxaa magaalada Muqdisho, isku hor fadhiyay ciidamo ka wada tirsan Dowladda Fadaraalka, kadib muran ka dhashay muddo kordhin loo sameeyay hay’adaha Dowladda.

Inkastoo, Amniga Doorashooyinka lagu wareejiyay Sii-hayaha Xilka Ra’iisul Wasaaraha, hadana ma jirto, wax heshiis ah oo laga gaaray ciidanka gadooday, waxaana sii siyaaday kala shakiga, taas oo masuul ka ah in ciidanka la baxay Badbaadada Qaranka ay fariisimo cusub kasii sameystaan goobo hor leh.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.