Militariga Mareykanka oo wax-yeelleeyay dad rayid ah

Tan iyo 2007-dii Dowladda Maraykanka ayaa howlgallo militari ka wadday gudaha Soomaaliya waxayna waxyeello xooggan gaartay dad shacab ah oo aan waxba galabsan kuwaas oo aan cidna wax iska weydiid dhibaatada ay u geysatay xukuumdda Washington.

Warar Keydmedia Online
Militariga Mareykanka oo wax-yeelleeyay dad rayid ah

WASHINGTON - Waaxda Difaaca dalka Mareykanka ayaa qiratay in howlgallada Militari ee dalkaas ay sababeen khasaare soo gaaray dad rayad ah oo aan waxba galabsan oo ay ku jiraan kuwo Soomaali ah oo wax-yeello gaartay billowgii sanadkii la soo dhaafay ee 2021.

Warbixintaan oo Koongarasku codsaday in lasii daayo sannad kasta tan iyo 2018, ayay Waaxda Difaaca ku sheegtay in 3 ruux oo rayid ah ay ku dhaawacmeen duqeyn ka dhacday Soomaaliya gaar ahaan degaanka Kuunyo Barrow ee Gobolka Jubada Dhexe.

Sida lagu sheegay warbixinta, duqeyntaan ayaa dhacday 1-dii Janaayo 2021, waxayna Waaxda Difaaca dalka Mareykanka xogta qiimeynta ka qaadatay Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) oo ah taliskii duqeynta u adeegsaday diyaaradaha aan duuliha lahayn.

Warbixintaan ayaa ku soo aadday maalmo kadib markii Hay’adda Xuquuqul Insaanka ee (HRW) ay ugu baaqday Mareykanka inuu ka taxaddaro dhibaatada dadka shacabka kasoo gaari karta duqeymaha loo adeegsanayo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka.

Kooxda xuquuqul insaanka ayaa sheegtay in ay diiwaan gelisay laba weerar oo cirka ah oo ay Ciidamada Mareykanku qaadeen bilihii February iyo March ee sanadkii 2020 kuwaas oo lagu dilay toddobo qof oo rayid ah, taasoo ay ku tilmaameen tallaabo xad-gudub ah.

Tan iyo 2007-dii Dowladda Maraykanka ayaa howlgallo militari ka wadday gudaha Soomaaliya waxayna waxyeello xooggan gaartay dad shacab ah oo aan waxba galabsan kuwaas oo aan cidna wax iska weydiid dhibaatada ay u geysatay xukuumdda Washington.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa bishii May sanadkaan go’aamiyay in ilaa 500 oo askari oo Maraykan ah lagu soo daad gureeyo Soomaaliya, kuwaas oo dhamaadkii sanadkii hore ku baxay amarka Madaxweynihii hore ee dalkaas Donald John Trump.

Marka laga soo tago Soomaaliya, Maraykanku wuxuu qirtay in ku dhawaad 12 qof oo rayid ah lagu dilay isla-markaana ku dhawaad 5 kale lagu dhaawacay dalka Afgaanistaan intii lagu guda jiray howlgallada ciidamada Mareykanka sanadkii la soo dhaafay ee 2021.

Taliska Mareykanka ee Afrika oo xaruntiisu tahay Stuttgart, Jarmalka, waa mid ka mid ah talisyada dagaalka ee Waaxda Difaaca Mareykanka, wuxuuna masuul ka yahay dhammaan howlgallada, dhoolatusyada iyo iskaashiga amniga ee qaaradda Afrika.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.