Modeelkii C. Yusuf waa lagu Diirsaday Gaandi & Yusuf Macalin idinkunah Kenya ku diirsada!

Muqdisho (KON) - Col. Cabdullahi Yusuf markii ey u suurtagali weyday inuu Wadanka Xukumo ayaa waxaa u hiirgashay inuu Ciidamada Itoobiya Wadanka Soomaaliya usoo horseedo kuna qabsado.
Warar Keydmedia Online

Gaandi iyo Yusuf Macalin ayaa waxey isyiraahdeen Anagunah markayaga Gobollada Jubadda Hoose Kenya ha idiin qabato, waxaase moodaa iney tahay Riyo dhalanteed ah.

Kenya wey Eeday iney Wafdigii ka socday Dowlada Soomaaliya, Amisom iyo UN-ka ey Airporta Kismaayo ka celisay Maalintii Arbacada (07.11.2012).

Jabuuti, Ugandha, Eritereya, Suudaan iyo UN-ku ayaa Kenya ku dhaleeceeyay inuu falkaas ahaa Fal aan loo baahneyn oo aan laga fiirsan.

Kenya waxaa Durbadiiba laga jaray Dhaqaalihii iyo Taakuleyntii lagu siin jiray kamid ahaanshada Ciidamada Amisom, waxaana lagu eedeeyay iney Qabiil Soomaali kamid ah ey Garabka ku sitaan, taas oo horseedi karta Horinta Colaad Sokeeye iyo dib usoo noolaashada Kooxda Shabaab.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho / Nairobi KON13

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.