KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Waxaa hore loo qorsheeyay in Farmaajo la dhaariyo shalay oo ku beegneyd 20-kii August 2022, hayeeshee waxaa guud ahaan dib loogu dhigay kulankii Golaha, sabab la xariirta weerarkii ku dhawaad 24-ka saac ka socday huteel Xayaat oo ku yaalla Caasimadda.
MUQDISHO, Soomaaliya - Sida ay Keydmedia Online u sheegeen Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxaa socda guux xooggan oo qaar ka mid ah Xildhibaannadu ku diiddan yihiin in Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo loo dhaariyo Xildhibaan aan dhicin oo ka tirsan Golaha Shacabka.
Xogo la isku hallayn karo oo ay heshay KON ayaa muujinaya in ku dhawaad 20 Xildhibaan mooshin ka dhan ah dhaarinta Farmaajo ee Xildhibaannimada u gudbiyeen Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), kaasoo ka mid ahaa shaqsiyaad sabab u ahaa in dalka uu ka dhaco is-baddel dhanka hoggaanka ah.
Xildhibaannadu waxa ay Farmaajo ku eedeeyeen inuu ku tuntay dastuurka dalka, kuna xadgudbay xuquuqaadka, karaamada bani’aadamka iyo xoriyadda ammaanka nololeed ee dadka Soomaaliyeed, waxayna Guddoomiyaha Golaha Shacabka u soo jeediyeen in la hakiyo dhaarinta Farmaajo oo ay ku tilmaameen eedeysane la xisaabtan u baahan.
Xildhibaannada ay xogta ka heshay KON, waxa ay sheegeen in mooshinka loo gudbiyay Aadan Madoobe, uu ku jiro codsi ku aaddan in guddi madaxbannaanna oo baaritaan ku soo sameeya gaboodfallada Farmaajo galay intii uu Madaxweynaha waddanka ka ahaa loo saaro arrinka, ka hor inta aan lagu degdegin in loo dhaariyo Xildhibaan Qaran.
Waxaa hore loo qorsheeyay in Farmaajo la dhaariyo shalay oo ku beegneyd 20-kii August 2022, hayeeshee waxaa guud ahaan dib loogu dhigay kulankii Golaha, sabab la xariirta weerarkii ku dhawaad 24-ka saac ka socday huteel Xayaat oo koox ka tirsan Al-Shabaab ay duullaan ku qaadeen habeen ka hor, hayeeshee maanta ayaa loo ballamay dhaarinta.
Qodobka 64aad oo Dastuurka Soomaaliya faqradiisa 4-aad ayaa dhigaysa in qof kasta oo noqda Madaxweynaha dalka, marka uu xilka banneeyo uu noqon karo Xildhibaan Golaha Shacaba inta uu nool yahay haddii aan xil-kaqaadis lagu samayn iyadoo aanay muddadii xil-hayntiisu dhammaan si waafaqsan qodobka 92aad ee dastuurkan ku meel gaarka ah.
Farmaajo ayaa ku eedeysan isku day dil oo la doonayay in lagu khaariyo siyaasiyiin ay ka mid yihiin Madaxweynayaal dalka Soo maray oo uu ku jiro Madaxweynaha hadda talada haya Xasan Sheekh Maxamuud, caburrinta shacabka, dastuur ku tumashada iyo lunsashada xoolaha dad weynaha, maadaama uusan xisaab xir sax ah la imaan intii uu talada hayay.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.