Moqadisho: Wadaddi M/ Al Mukarama oo Saakay dib loo Furay

Moqadisho (KON) – ka dib markii ay Wadada Maka Al Mukarama Labo Maalmood Xirneeyd ayaa Saakay dib logu furay in ay Dadweynahu iyo Gaadiidkuba Wadadaas si caadi ah u Isticmaalaan.
Warar Keydmedia Online
Moqadisho: Wadaddi M/ Al Mukarama oo  Saakay dib loo Furay

Labadii Maalmood ee la soo dhaafay ayaa Wadada waxaa Xirtay Ciidamada Alfa Grup, Ciidamada Nabad/Sugida, AMISOM iyo Ciidamada Boliiska Soomaaliyeed. Ciidamadaas ayaa Isgoska Sayidka Ilaa Km5 ku faafay oo gudaha u galay Guryo ay horay u soo Bartilmaansadeen.

Xog ay Keydmedia.Net heshay ayaa sheegeysa in Baritaankaas u ahaa mid laga gaaray ujeedadii laga lahaa. Lama sheegin Dadka la soo qab qabtay tiradooda iyo in ay ku jiraan Rag ka tirsan Madaxda Shabaab-Qaacida.

Keydmedia.Net

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.