KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Midawga musharaxiinta ayaa door muuqda ku yeelanaya, go'aannada ka soo baxaya shirka gollaha wadatashiga qaran ee ka socda Muqdisho.
MUQDISHO, Soomaaliya- Sida uu xusay Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Ibraahim Macalimow, midawga musharaxiinta ayaa la hor geyn doonaa, go'aannada ka soo baxa shirka gollaha wadatashiga qaran, ee maalintii labaad ka socda caasimadda.
Talo ku yeelashada mucaaradka ee shirka socda, ayaa baajin karta tabashooyinka ay ka muujiyeen doorashadda boobka ku sifawday.
Sida wararku sheegayaan, Midawga musharaxiinta ayaa dalban doona, in dib loogu laabto kuraastii uu boobay hoggaanka waqtigiisu dhamaaday, waana tan keliya ee keeni karta in ay ku qancaan go'aanada ka soo bixi doona shirka gollaha wadatashiga.
Farmaajo iyo madaxda maamul goboleeyda taabacsan, ayaa arrintan wal wal ka muujinaya, maadaama ay tahay dhabar jabin siyaasadeed oo lagu sameeyey, taas oo gollaha shacabka ka saareysa kuwa ay kuraasta u boobeen.
Midawga musharaxiinta ayaa sidoo kale soo jeedin doonaa, in la sameeyo jadwal kama danbeys ah, oo lagu dhameynayo howlaha doorashadda dalka, oo aad uga dib dhacday waqtigii lagu waday in la soo gabagabeeyo.
Go'aamada shirka ka soo baxa, ayaa sidoo kale lala wadaagi doonaa, beesha caalamka iyo ururada bulshada rayidka, kuwaa oo ku darsanaya aragtidooda, si dalka ay uga dhacdo doorasho daah-furan oo lagu wada qanacsan yahay.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.