Mucaaridkii danleyda ahaa oo xargaha soo goostay

Mucaaridkii danta gaarka ah ka lahaa dowladan, ee ku fashilmay qorshahooda ayaa maalmahan xargaha soo goostay.

Warar Keydmedia Online
Mucaaridkii danleyda ahaa oo xargaha soo goostay

MUQDISHO, Soomaaliya- Cabashada siyaasiyiinta danleyda ahaa ayaa kordheysa, waana kuwo u muuqda in ay ku fashilmeen, in ay xubin ka noqdaan xukuumadda uu soo dhisay RW Xamse.

Xarumaha warbaahinta dalka ee gaarka loo leeyahay ayey siyaasiyiintu waqtigan buux dhaafiyeen, iyagoo doonaya in ay dhaleeceeyaan hannaanka lagu soo xulay golaha wasiirada.

Beelaha qaar ayaa iyaguna cabanaya, maaddaama dadkii ay odayaashu la rabeen kuraasta, kuwa aanan ahayn uu xushay Ra'iisul wasaaruhu.

Siyaasiyiinta iyo odayaasha beelaha cabanaya, ayey dadka qaar ku tilmaameen, qeyb ka mid ah macaaridkii danleyda ahaa, oo markaan xargaha soo goostay.

Qaar ka mid ah kuwa wax dhaliilaya, waa haraadigii hoggaankii hore Farmaajo, kuwaas oo ay dabada ka riixayaan isaga iyo Fahad, si dalku u galo qalalaase siyaasadeed oo ka daran kii uu ka soo baxay.

Si kasta oo lagu soo xulay, xukuumadda cusub, waxa ay ahayd mid muddo badan qaadatay ku dhawaaqisteeda, oo sida uu sheegay Ra'iisul wasaaruhu uu kala tashtay inta badan bulshada, waxaase marag ma doonta ah, in lagula xisaabtami doono wax kasta oo qalado, balse dhaliishan waqtiga hore ah, ayaa ku suntan mid loo fasiran karo, dad ku hungoobay yoolkooda, oo dhaliil iyo cabasho hiil bidaya.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.