Muddo-korarsiga Biixi oo Hubanti la’aan geliyay Somaliland

Somaliland ayaa u muuqata mid ku sii siqaya colaad iyadoo xisbiyada ugu waaweyn ee mucaaradka ah ay dhici karaan in maalmaha soo socda ay dhigaan dibadbaxyo rabshado wata iyadoo beesha caalamkuna ay ka aamusan tahay xiisadda siyaasadeed ee cirka isku sii shareereysa.

Warar Keydmedia Online
Muddo-korarsiga Biixi oo Hubanti la’aan geliyay Somaliland

Hargeysa, Soomaaliya – Go’aanka degdega ah ee Gollaha Guurtida Somaliland ugu kordhiyeen muddo Labo Sano ah Madaxweynaha talada haya ee Muuse Biixi Cabdi, ayaa xaalad hubanti la’aan ah geliyey Somaliland.

Murrashaxa xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro oo maanta magaalada Hargeysa kula hadlay warfidiyeenada, ayaa ku tilmaamay tallaabadii uu Madaxweyne Biixi ku doonayo inuu kusii fadhiyo kursiga mid ka baxsan dastuurka Somaliland.

Xisbiga Waddani waxa uu u arkaa go’aankaasi mid sharci darro ah oo aanu marnaba aqbali doonin. Gollaha Guurtidu waxa uu qaadi doonaa mas'uuliyadda dhibaato kasta oo ka dhalata muddo kordhinta labada sano ah ee loo sameeyay madaxweynaha xilka ka degaya,” ayuu hadalkiisa ku daray Cirro.

Sidoo kale, xisbiga UCID oo ah xisbiga labaad ee mucaaradka ah ayaa isna dhankiisa sheegay inuu ka soo horjeedo muddo kordhinta, waxaanu guddoomiye Faysal Cali Waraabe shacabka ugu baaqay inay kasoo horjeestaan go’aanka Guurtida.

Somaliland ayaa u muuqata mid ku sii siqaya colaad, iyadoo Xisbiyada ugu waaweyn ee Mucaaradka ah ay dhici karaan in maalmaha soo socda ay dhigaan dibadbaxyo rabshado wata, waxaana Beesha Caalamkuna ay go'aansatay inay ka aamusto xiisadda siyaasadeed ee cirka isku sii shareereysa.

Hogaamiyaha Somaliland ayaa ah Gaashaanle Sare oo horey uga mid ahaan jiray Ciidanka Cirka ee Soomaaliya, waxaanu Madaxweyne ka noqday Somaliland dabayaaqadii 2017-kii, isagoo uu waqtiga ka dhamaanaya bisha soo socota. Waxuu isticmaalayaa hab kasta oo uu xukunka kusii joogi karo.

Somaliland waxay sheeganaysaa madax-bannaani hal dhinac ah oo ku dhawaaqdey May 1991, laakiin ilaa hadda ma helin wax aqoonsi caalami ah, maadaama waddan kastaa uu ula macaamilo sida qayb ka mid ah Soomaaliweyn.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.