KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Magaalada waxaa ka dhacay inka badan 15 Dagaal oo u dhaxeeyay beello oowd wadaag ah, waxaana dagaalka beelahaasi uu ku qotamay gacan ku heynta magaalada iyo sheegashada ay beel kasta sheeganeysay inay magaaladu iyadu leedahay.
Hadii aan si gaar ah u xusno beelaha sida gaarka ah ugu dagaalamaya gacan ku heynta waxaa kamid ah, Beesha Ogaadeen, Mareejteen iyo Majeerteen, waxaana beel kasta oo beelaha aan soo sheegnay kamid ah ay sheeganeysay inay leedahay magaalada Kismaayo.
Kismaayo waxaa ay soo martay marxalado kala duwan, waxaa ay gacanta u gashay dhow maamul oo isugu jira Qabiil iyo maamulo Islaami.
Maamulkii hadda laga qabsaday magaalada Kismaayo ee Shabaab ayaa magaalada Kismaayo la wareegay 28-Aguast-2008 kadib dagaal socday 3 maalmood oo xariir ah oo ay Shabaab la galeen maleeshiyo beeleed uu hogaamin jiray Barre Aadan Shire Hiiraale.
Kooxda Shabaab waxaa ay magaalada ka arriminayeen 4-sano, mana jirin wax dhibaato ah oo magaalada ka dhacday intii ay Shabaab ka arriminayeen marka laga reebo siyaabo hoose oo ay Shabaabku falal dilal ah ugu geysan jireen shakhsiyaadka ay u arkaan in siyaasadooda uu ka soo horjeedo.
Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Kenya ee magaalada Kismaayo la wareegay waxaa ay dadaal dheeraad ah ugu jireen sidii ay magaalada ula wareegi lahaayeen inka badan Sanad iyo bar, waxaana daba yaqaada September u suura gashay inay la wareegaan gacan ku heynta magaalada.
In Ciidamada isgarabsanaya ay la wareegeen Kismaayo muhiimad weyn ayay u ledahay, muhiimada koobaad waa inay jabiyeen rajadii Shabaab ee ahayd inay difaacdaan magaalada Kismaayo.
Keydmedia Online - Xafiiska Kismaayo
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.