Muqdisho: Ciidamada Amaanka oo Dad qabtay

Muqdisho(KON)-Howlgal Ciidamada Nabadsugida Soomaaliya ay ka sameeyaan Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir ayaa waxey ku soo qabteen Tobaneeyo Dad ah.
Warar Keydmedia Online
Muqdisho: Ciidamada Amaanka oo Dad qabtay

Howlgalka ayaa badankii ka dhacay XaafadaToowfiiq ee Degmada Yaaqshiid,wuxuuna ahaa mid lagu Xaqiijinayey Amaanka Degmada oo Maalmahaan ay ku soo bateen Falal Amaandaro.

Sargaal u hadlaya Ciidamada Nabadsugida Qaranka Soomaaliya ayaa sheegay in ay qabteen Dad gaaraya ilaa 30 Ruux oo ay ku jiraan kuwo ka tirsan Maleeshida Al-shabaab.

Dadka la soo qabtay ayaa loo gudbiyey Xabsiga dhexe ee Magaalada Muqdisho iyo Xarunta Denbi barista Soomaaliya.

“Dadka ay Ciidamada soo qabteen waxaa ku jira Al-shabaab mudo daba gal lagu haayey,si deg deg ah ayaa Sharciga loo marsiinayaa”ayuu yiri Sargaalka.

Laamaha Amaanka Soomaaliya ayaa hore u sheegay in Ciidamada Amaanka ay u fasaxan yihiin in Qofkii Al-shabaab ah meeshii lagu qabto lagu dilo,maadaama ay soo badatay in markii la Xiro Al-shabaabka la soo daayo.

Keydmedia online – Xafiiska Muqdisho

 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.