Muqdisho oo dad u soo baxay Ganacsi ay qabuura Galeen

Waxaa saakay Suuqa Siinaay ee Magaalada Muqdisho Madafac ku dhacay uu sababay geerida dad garab rarata ah oo suuqaasi u soo dukaameysi tagay.
Warar Keydmedia Online

Walow Suuqa Siinaay aanu ka jirin dhaqdhaqaayadii hore looga bartay isla markaana badankii dadkii ku ganacsan jiray ay ka barakaceen ayaa hadana waxaa ka socday dhawaanahan ganacsi aad u wanaagsan.

Saakay waabarigii xili dadka ay soo galayeen Suuqa ayaa madfac ku soo dhacay waxa uu galaaftay Nolasha 5 ruux iyadona in ka badan 10 ruux ay halkaasi ku dhaawacantay.

Arintani ayaa ka danbeysay kadib markii Salaadii Subax kadib saakay ay Madaafiic isku weedaarsadeen gudaha Magaalada Muqdisho Dhinacyada is haya ee marka si kale loo eegana u midoobay dhibaatada Shacabka.

www.keydmedia.net

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.