KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Iska hor-imaadkan ayaa waxa uu u dhaxeeya ciidamo la sheegay in ay Dowlada ka tirsan yihiin oo fariisin ku leh Xaafada Shanta Geed ee degmadaasi iyo xoogaga ka soo horjeeda qaab howleedka Dowlada iyo joogista ciidamada shisheeya Ciida Soomaaliya.
Ilaa laba qof oo rayid aan waxba galabsan ah ayaa geeriyootay lix kalana dhaawac ayaa ka soo gaaray sida keydmedia.net ay u xaqiijiyeen goob joogayaasha deeegaanka qaarkood oo aan la hadalnay.
Waxaa aad u yar isu socdka Gaadiidka iyo dadweynaha hareeraha iyo gudaha Suuqa bakaaraha iyadoona ciidamada Dagaalamaya qaarkood ay cadaadis saareen shacabka isla markaana ay u diideen in ay adeegsadaan wadooyinka qaar, Wadada dabka ayaa ciidamada Dowlada waxa ay gaadiidka dadweynaha ku amreen in aanu wadaadasi soo mari karin iyagoo aan sheegin wax sabab ah.
Wadadaasi ayaa waxa ay tahay tan kaliya ee xiligan la jooga sida tooska ah isugu xirta qeybaha Muqdisho, waxaana amarka ciidamada uu sababay in gaadiidku ay isticmaalaan wadooyin qardajeex ah oo lagu gaaro wadada 30-ka .
www.keydmedia.net
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.