Muqdisho oo lagu xiray Nalalka Samafaraha oo cadceedda ku shaqeeya // Warbixin

Muqdisho (KON) - Maamulka Gobolka Banaadir oo dhawaan Shaaciyay in uu Nalalka Samalfaraha sida ugu dhaqsiyaha badan u keeni doono Muqdisho ayaa hada bilaabay Mashruucaas.
Warar Keydmedia Online

Waxaa la dhahaa: Kun Tilaabo oo la Talaabsado waxeey ka Bilaaabataaa Hal Tilaabo, Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Magaalada Muqdisho ku Tijaabinaya Samalfarayaal ku shaqeenayo Qoraxda.

Tijaabadaas oo bilaabatay Asbuucaan ayaa lagu Rakibay Isgoysyo lagu tijaabinayo, waxaana la filayaa in dhawaan lagu rakibo Isgoysyada ugu waaweyn ee Muqdisho.

Caasimadda Soomaaliya ayaan hadda laheyn samalfalaha waddooyinka, balse dowladda hoose ayaa bilowday in 54 isgoys ay ku rakibto kuwo cadceedda ku shaqeeya. Waqti xaadirkan, askarta bilayska ayay tahay in ay gawaarida iyo baabuurta kale ku hagaan isgoysyada muhimka ah.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in Rakibaadda nalalka ay Shiinuhu sameeyeen qaadan doonto Seddex bilood.

Calaamadaha ugu horeeya ayaa waxaa laga taagay ama laga taagi doonaa Isgoysyada ugu mashquulka badan Muqdisho ee Kiiloomitir 4, kiiloomitir 5, Sayidka iyo Jubba.

Mashruuca ayaa waxa uu shaqo abuuris u samayn doonaa 100 dhalinyaro ah oo loo xil saari doono rakibidda calaamadaha.

Darawalada aan aqoonta u lahayn sharciyada waddooyinka waxa ay heli doonaan tababar gaaar ah oo ku aaddan sida loola macaamilo nalalka cagaaran, kuwa gaduudka ah iyo kuwa basaliga ah si ay sharciga u raacaan, ayuu yiri Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir, Yuusuf.

Taliyaha Bilayska Ammaanka Waddooyinka Jeneraal Cali Xirsi Barre ayaa sheegay in nalalka ay horseedi doonaan waddooyin kuwan ka ammaan badan oo ka maamul fiican.

"[Samalfalaha waddooyinka] waxa ay isbedel wayn ku keeni doonaan dadaaladeennaa aan ugu jirno ammaanka caasimadda, maadaama gawaarida yar yar ay ku soo badanayaan waddooyinka Muqdisho ayna abuurayaan cidiidhi gawaarida ah," ayuu yiri. "Tani waxa ay bilayska waddooyinka siinaysaa in ay waqtiyo nastaan, iyaga oo hadda isgoysyada jooga 24-ka saac."

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.