KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Munaasabada lagu soo bandhigayey Ragaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa, Saraakiisha Nabadsugida Qaranka iyo Wasiir Xigeenka Wasaarada Amniga Ibraahin Isaaq Yarow.
Wasiir Xigeenka Amniga Qaranka Mudane Ibraahin Isaaq Yarow ayaa sheegay in Howlagalka Ragaan Al-shabaabka ah lagu soo qabtay uu ahaa Muhiin,waxuuna Xusay in mid ka mid ah uu Wax ka Ogaa Weeraro ka dhacay Muqdisho.
Saraakiisha Al-shabaab ka ah ee Magaalada Muqdisho lagu soo bandhigay ayaa Gaarayey 4-Ruux,waxaana Ciidamada Nabadsugida ay ka soo qabteen Magaalada Qoryooleey.
Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in Ciidamada ay ilaa iyo Shan kale oo Al-shabaab ah Ciidamada Dowladda ay ka Qabteen Muqdisho iyo Hareeraheeda,inkastoo aysan soo bandhigin.
Waxaa ay Arintaan imaaneeysaa xili Ciidamo iskugu jira Boolis iyo Nabadsugid la geeyey Degmada Qoryooleey kuwaa oo Xaqiijinaya Amaanka Degmada.
Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.