KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Aqbaartaan oo ey Keydmedia Asbuuc kahor soo qortay ayaa Warbaahinta dalkaasi hadal haysa in Xeritaanka Safaaradda ee magaalada Lusaka taasi timid kadib markii Safiirka Soomalia u fadhiya dalka Zambia Shirwa Ibrahim ay wada kulmeen Safiirka la soo magacaabay , waxana kulan kooda ka dhashay is fahan darro .
Afhayeen u hadlay Booliska dalka Zambia ayaa sheegay in dowladda dalkaasi ay amar ku bixisay Jimcihii lasoo dhaafay in Safaaradda la xero si KMG ah maadaama uu muranka sii xoogeysanayo , waxana haatan Dacwadda la xiriirta Arrintan ay Gacanta ugu jirtaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Zambia.
Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in Ciidamo gaar ah oo booliska ka tirsan ay haatan ay ku sugan yihiin Dhismiha Safaaradda , isagoo sheegay in Telefoonkii Safaaradda la xawilay.
Sidoo kale Dr Effron Lungu,oo ah kuxigeenka wasiirka Ariimaha Dibadda dalka Zambia ayaa sheegay in Safiirkii hore ee Safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi Mr Ibrahim inuu in muddo ah safiir ka ahaa halkaasi,waxaana uu sheegay in Ciidamada aysan xiri Karin Labada Mas’uul ee isku haysata Safiirnimada,maadaama ayuu sheegay ay wataan Aqoonsiyo rasmi ah.
Safaaradda ayaa waxa ay ku taala Xaafad lagu magacaabo Kabulonga oo ka tirsan Magaalada Lusaka ee Caasimadda dalka Zambia.
Sababta muranka dhaliyay ayaa ah in Dowladda KMG ah ay dhowaan u magacowday Safriir cusub,iyadoo aysan u yeerin kii hore.
Ma jirto wax war war ah oo Dowladda KMG ah weli ay ka soo saartay Arintan la xiriirta xernaashaha Safaaradda Soomaaliya ee dalka Zambiya.
Keydmedia.net - Xafiiska, Nairobi
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.