Murashax ka badbaaday shiqool la mid ah midkii Ikraan Tahliil

Wuxuu caddeeyay in aysan jirin wax caddaalad ah oo laga sugayo kursiga Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada Dadban (GXKHDD), si jidka saxda ah loo marsiiyo hannaanka doorashada kursiga Hop067.

Warar Keydmedia Online
Murashax ka badbaaday shiqool la mid ah midkii Ikraan Tahliil

MUQDISHO, Soomaaliya - Murashax, Axmed Cabdikariin Cali Gabeyre, oo ah tartamaha kursiga Hop067 ee gudbiyay dacwada lagu hakiyay ku dhawaaqista natiijada doorashadii boobka ahayd ee ka dhacday Dhuusamareeb ayaa sheegay in Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada Dadban (GXKHDD) iyo Yaasiin Farey oo is kaashanaya ay naftiisa halis galiyeen billowgii bishaan.

Axmed Cabdikariin oo dhawaan saxaafadda kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in Guddiga Khilaafaadku wacay 1 December 2021, laguna wargaliyay inuu yimaado huteel ku yaalla garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, hayeeshee, uu xilligii ballanta tagay goobtii lagula ballamay oo aan cidi joogin.

Musharuxu, wuxuu xusay in wicitaan kadib lagu wargaliyay inuu tago goob kale, taas oo noqotay xarun ciidan, durbana ku dhalisay shaki xooggan sida uu sheegay, ka hor inta aan la geyn xaafiis uu ku jiray Yaasiin Farey oo ku magacaaban Taliyaha KMG ee NISA, kursigana la isku heystana loo boobay.

Sida uu xusay, mar kale, Guddiga Xallinta Khilaafaaadka ayaa ka maqnaa xerada ciidanka ee lagu ballimiyay, wicitaan kale kadibna waxa ay mar kale, ku wargaliyeen in uu yimaado goobtii hore loogu ballamiyay ee Garoonka Diyaaradaha.

Wuxuu caddeeyay in wixii xilligaas ka danbeeyay uu amnigiisu farahiisa ka baxay maadaama shaqsigii uu dacwada ka gudbiyay uu (GXKHDD) u gacan galiyay, isla-markasna labadoodaba si isku mid ah loogu sheegay in ay tagaan Hotel Decale.

“Makaas waxaan dareemay wixii la ii wacay wax aan ahayn in aan ku dhex jiro, waxaan u tagnay guddigii oo wada jooga, su’aashii 1-aad ee ay na weydiiyaan waxa ay ahayd ma isla socotaan?, taas oo shakiga igu sii xoojisay, waxaanse ku war galiyay in aan dacwo kaliya diyaar u ahay”. Ayuu yiri Axmed Cabdikariin.

Wuxuu sheegay in is-mari-waa kadib, uu Yaasiin Farey, GXKHDD hortooda ka sheegay in aysan jirin cid dacwo wax ugu qabaneysa, ee tanaasul deg deg ah uu sameeyo, halka guddiguna ay sheegeen in labadoodu si gooni ah u wada hadlaan.

“Taasi waxa ay ii caddaysay in aan dhexda uga jiro shirqool maleegan, waxaana go’aansaday in aan nafteyda badbaadiyo oo aan waraaq tanaasul ah oo ay guddigu qoreen saxiixo”. Ayuu yiri.

Murashax, Axmed Cabdikariin Cali Gabeyre, wuxuu xaqiiyay inuu markii uu tagay goob ammaan ah uu Guddiga Xallinta Khilaafaadka, ku war galiyay khaladka ay sameeyeen isla-markasna uusan ka tanaasulin dacwada oo qasab iyo shirqool loo dhigay awgeed uu u saxiixay waraaqta dacwo la noqoshada.

Wuxuu caddeeyay in aysan jirin wax caddaalad ah oo laga sugayo kursiga Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada Dadban (GXKHDD), si jidka saxda ah loo marsiiyo hannaanka doorashada kursiga Hop067.

Wuxuu Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta Maxamed Xusen Rooble, ugu baaqay inuu qaado jidka saxan iyo habraaxa runta ah ee la isla oggol yahay.

Yaasiin Farey ayaa ka mid ah shaqsiyaadka ku eedeysan khaarijinta Ikraan Tahliil, oo ku maqan gacanta taliska Fahad Yaasiin tan iyo 26 June 2021.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.