KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Musharax Cabdikariim Xuseen Guuleed, ayaa sheegay in Soomaaliya aan lagu aamini karin Farmaajo afar sano oo kale, isagoo shacabka ugu baaqey inay iska diidaan shirqooladiisa.
MUQDISHO, Soomaaliya - Musharax Madaxweyne Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa maanta kusoo laabtay dalka, isagoo lagu soo dhaweeyay Muqdisho oo la filayo inay doorashada Madaxweynaha ka dhacdo Febuary 2021.
Hadal uu ka jeediyay munaasabad lagu soo dhaweynayay, ayuu ka sheegay in Ra'iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Guuleed uu biixyay qishka doorashadda kadib markii uu shaaciyay in wareegga 1aad uu Farmaajo ku guuleysan doono.
Wuxuu tilmaamay in Shacabka Soomaaliyeed ay hadda wax walba u kala cad yihiin, islamarkaana looga baahan yahay inaysan dib u dooran Farmaajo, maadaama xukunkiisa afarta sano laga dhaxaly in amniga hoose u dhaco iyo burburinta Federaalka.
Musharaxiinta ayaa kusoo qulqulaya Muqdisho, iyadoo la filayo in Sabtida iyo Jimcaha soo gaareen kuwa kale oo Khayre iyo Sheekh Shariif ay kamid yihiin, waxaana Todobaadka soo socda ay yeelan doonaan shir wayne ay uga arinsanayaan arrimaha taagan.
Waxaa suurta-gal ah, aadna loo hadal hayaa inuu dagaalka Muqdisho ka dhaco, hadii uu Farmaajo ku adkaysto inay doorashadda qabtaan dhalinyarada NISA iyo Shaqaalaha dowladda ee laga buuxiyay Gudiga doorashadda.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.