KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Musharraxiintan ayaa maalmo kahor Muqdisho ku qabtay shir jaraa’id oo ay ku sheegayeen inay isaga soo carareen kursigii ay ku tartami lahayeen, iyagoo ka cabanaayay in farogalin ay ku hayaan madaxda Hirshabeelle.
JOWHAR, Soomaaliya- Waxaa magaalada Jowhar ka socota tirinta codadka mid ka mid ah kuraasta Aqalka sare, waxaana kursigaas tartamaya saddex musharrax oo kala ah, Xasan Iidow Muxumed Kobac, Cabdinuur Ibraahin Nuur iyo Cismaan Axmed Macow.
Tabashada musharraxiinta kala ah Cismaan Axmed Macow iyo Cabdinuur Ibraahin Nuur oo ka anfariirsanaa habka loo maareynayay kursiga ay ku tartamayaan ayaa gaaray magaalada Jowhar.
Musharraxiintan ayaa maalmo kahor Muqdisho ku qabtay shir jaraa’id oo ay ku sheegayeen inay isaga soo carareen kursigii ay ku tartami lahayeen, iyagoo ka cabanaayay in farogalin ay ku hayaan madaxda Hirshabeelle.
Lama oga sida uu kusoo dhammaan karo doorashada kursigan oo maalmo uu ka taagnaa muran, xalay kursi kamid ahaa kuraastii lagu tartamayay ayaa qalalaaso iyo buuq hareeyay hoolka uu ka socday tartanka, waxaana gabi ahaan la damiyay korontadii hoolka, taas oo sababtay inuu hakad galo doorashada kursigaasi.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.