Mustaqbalka siyaasadeed ee Cabdi Xaashi oo la go’aaminayo

Wuxuu u tartamayaa kursiga 1aad ee Maanta lagu dooranayo Teendhada Afisyooni, oo amaankeeda ay sugayaan Booliska DF iyo midka AMISOM.

Warar Keydmedia Online
Mustaqbalka siyaasadeed ee Cabdi Xaashi oo la go’aaminayo

MUQDISHO, Soomaaliya - Cabdi Xaashi oo afartii sano ee lasoo dhaafay ku fadhiyay kursiga ugu sareeya Aqalka Sare ayaa Maanta u tartamaya kursigiisa markii labaad doorashadda ka dhacaysa Afisyooni.

Ergo beeleed ayaa dooranaysa kuraasta, maadaama uusan codeynta sameyneyn Baarlamaanka Somaliland si lamid ah Maamullada kale oo Xildhibaanadooda doortay Kuraasta Senate-ka.

Doorashadda Maanta ka dhacay Afisyooni waxaa lagu go'aaminayaa Mustaqbalka siyaasadeed ee Cabdi Xaashi, inuu kusoo laaban doono Baarlamaanka iyo inuusan soo laabanaynin.

Lix kursi ayaa Maanta qorshuhu yahay in lagu doorto Afisyooni, kuwaasoo kala ah:

Farmaajo ayaa isku dayaya inuusan Cabdi Xaashi soo laaban, waxaana la arki doonaa Maanta Musharaxa kula qoran kursiga inuu yahay malxiis ama mid dhab ka tahay tartanka.

Cabdi Xaashi labadii sano ee ugu dambeysa wuxuu kamid ahaa shaqsiyaadka sida aadka u dhaliila siyaasadda Farmaajo, isagoo dagaal adag u galay sidii uu ku difaacan lahaa kursigiisa.

Villa Somalia qorsheedii inay farageliso doorashooyinka weli waa muuqdaa, waxaana cabsi laga qabaa in tartanka Gollaha Shacabka uu sababo qalalaase, madaama siyaasiyiinka ugu miisaanka culus ay u xusul duubayaan inay kuraasta ay ku fadhiyaan difaacdaan.

Doorashadii 2016-2017, waxaa ka dhacay musuq-maasuq iyo cod-iibsi, iyadoo hal kursi lagu iibsadey hal milyan oo dollar. Tartanka xafiisyada Soomaaliya wuxuu ku dhisan yahay qofka jeebkiisa iyo cida uu xiriirka la leeyahay kooxda markaas awoodda haysata.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.