Musuqa ka jira G/Banaadir oo hargaha goostay

Ragga xilalka sare haya daaro dhaadheer bay Muqdisho illaa Turkiga ka dhisteen, halka kuwa hoose caruurtooda dabka ka densan-yahay, iyagoo aan mudo hal sano ah wax mushahaar ah qaadan.

Warar Keydmedia Online
Musuqa ka jira G/Banaadir oo hargaha goostay

MUQDISHO, Soomaaliya - Gobolka Banaadir ayaa la degay musuq-maasuq xoog leh oo ka jira xafiiska ugu sareeya, kaasoo uu madax ka yahay Cumar Filish, oo kursiga qabiil ku yimid.

Shaqaalaha gobolka u shaqeeya intooda aan xilalka sare heynin gaajo ayay u dhimanayaan, iyagoo aan qaadan wax mushahaar ah mudo hal sano ah xili maamulka gobolka 15% Canshuurta dekadda la siiyo, taasoo usii dheer canshuurta gudaha, iyadoo lacagta aan lagu qaban adeeg bulsho.

Miisaaniyadda gobolka Banaadir sanadka 2021 ayaa ah $36,857,503.00 [Sodon iyo Lix Milyan, Sideed Boqol, Konton iyo Todobo Kun, Shan boqol iyo Saddex Dollar], waa lacag ku dhamaata jeebka kuwa ugu sareeyay maamulka, sida Gudoomiyaha iyo Ku-xigeenada.

Iyadoo intaasoo lacag ah usoo xarooto, hadda waxaa cabanaya Shaqaalaha oo aan xaquuq helin bil kasta, iyadoo ugu daran tahay in sanadkan 102 kamid aan waxba la siinin, kuwaasoo warqad cabasho ah u qoray Cumar Filish, balse aan usoo jawaabin.

Shaqaalaha aadka u cabanaya, ayaa iskugu jira La-taliyayaal sare, Agaasimayaal, Madax qeybeedyo iyo kuwa hoose oo ka tirsan waaxyaha kala duwan ee Maamulka Gobolka Banaadir.

Miisaaniyadda 2021 ayaa ku kordhay $4 million, waxaana midii 2020 aheyd $32,977,123. Korarka ayaa yimid kadib markii maamulka uu canshuur kusoo rogay meelo aan horey canshuur looga qaadi jirin, sida Guryaha.

Xafiiska Hanti Dhowrka Guud ee Qaranka, ayaa baaritaanka uu sameeyay ku ogaadey in aanay jirin xisaab xir la sameeyay, islamarkaana Maamulka Gobolka Banaadir aanu diyaarin warbixin maaliyadeed sanadle ah.

HALKAN HOOS KA  AKHRI QORAALKA SHAQAALAHA:

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.