Muudey oo loo diiday inuu ka duulo Garoonka Muqdisho

Fahad Yaasiin ayaa la sheegay inuu ka dambeeyay xanibaada lagu sameeyay Muudey, waxaana qorshaha uu yahay in laga reebo tartanka doorashadda Baraawe.

Warar Keydmedia Online
Muudey oo loo diiday inuu ka duulo Garoonka Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa Maanta Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde lagu celiyay Cabdiweli Muudey, gudoomiye ku-xigeenka 1aad ee Baarlamaankii 10aad xili uu kusii jeeday magaaladda Baraawe, oo doorashada kursiga uu ku fadhiyo ka dhacayso dhawaan.

Muudey ayaa loo diiday inuu raaco diyaarad kusii jeeday Baraawe, waxaana kahor istaagey Ciidanka NISA ee ka amar qaata Fahad Yaasiin, oo la-taliye amni u ah MW hore Farmaajo, sida Keydmedia Online u sheegeen illo ku sugan Garoonka diyaaradaha.

Sababta ayaa ah in Muudey la doonayo inuusan u tartamin Kursiga, oo loo xiray nin ay saaxibo yihiin Fahad oo Australia ka yimid, kaasoo ku sugan Baraawe, oo ka dhacaysa doorasho kuraasta loo qoondeeyay Koonfur Galbeed, oo Lafta-Gareen uu boobey, isagoo u adeegaya Farmaajo oo dib u doorasho raadinaya.

Muudey ayaa ahaa shaqsi si aad ah u difaaci jiray Farmaajo intii uu kursiga ku fadhiyay, waxaana uu qeyb ka ahaa xilka qaadistii Jawaari iyo Khayre, oo khilaafka siyaasadeed ee Villa Somalia ku waayay xilalkooda. Doorashadda ka socota Soomaaliya ayaa nqootay mid boob iyo afduub kuraasta ku caanbaxdey, iyadoo shacabka ay ka rajo dhigeen dowladnimada.

Farmaajo meelaha uu ku xisaabtamayo inuu codadka ka helo waxaa ugu horeeyay Koonfur Galbeed oo Xildhibaanada ugu badan ay ka imaanayaan, waxaana ku xiga HirShabeelle iyo Galmudug oo rag badan uu geystay, oo kuraasta u xiray Qoor-Qoor.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.