Muungaab “Qorshe Amni ayaan u dajiyey Gobolka Banaadir”

Muqdisho (KON) - Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir Xasan Max’ed Xuseen”Muungaab” oo shalay la wareegay Xiliga Gudoomiyaha Gobolka ayaa soo bandhigay Qorsheyaal Amaanka Muqdisho wax looga Qabanayo.
Warar Keydmedia Online
Muungaab “Qorshe Amni ayaan u dajiyey Gobolka Banaadir”

Xasan Max’ed Muungaab ayaa sheegay in uu dajiyey Qorshe Ciidamada Amaanka ee ka howlgala Gobolka Banaadir iyo Shacabka Soomaaliyeed ay ku wada shaqeyn karan.

Muungaab ayaa intaa ku daray Ciidamada iyo Shacabka, hadii ay iskaashadaan laga hortagi karo waxbadan oo amaanka Caqabad ku ah, sida uu sheegay Muungaab.

Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir Gen. Muungaab ayaa sheegay in sidoo kale uu Xariir dhaw la yeelan doona Qeybaha kala duwan ee Culumada Soomaaliyeed, si loosoo celiyo Xeriirkii Dowladda Soomaaliya iyo Culumadda Soomaaliyeed.

Hadalka Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo dhinacyo badan taabanayey ayaa waxaa sidoo kale uu ku soo hadal qaaday Dhulal ku yaala Muqdisho oo Dadku ay isku haystaan,waxaana uu sheegay in Baraamijkaas uu soo Afjaridoono.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.