Muuse Biixi oo maalintiisii lixad ku sugan Mareykanka

Hadaka Ilhaan ayaa dhaliyay falcelin xooggan, waxaana si adag, weerar afka ah ugu qaaday, in badan oo ka mid ah, dadka ka soo jeeda deggannada Soomaaliland.

Warar Keydmedia Online
Muuse Biixi oo maalintiisii lixad ku sugan Mareykanka

WASHINGTON  - Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hor-kacayo ayaa maalintii lixaad ku sugan Washington D.C, kadib casuumaad ay ka heleen The heritage Foundation, oo ah hay'ad kor u qaadda siyaasadaha guud ee ku salaysan mabaadi'da ganacsiga dalalka xorta ah.

Warbixin ay ha’yaddan ka qortay booqashada Biixi, waxa ay ku sheegtay in Maraykanku luminayo fursad uu ku abaalmariyo dal ku koray dimuqraadiyadda Washington iyo inuu malaayiin reer Soomaaliland ah ku sharfo himilladooda joogtada ah ee madax-banaanida, taas oo ay raadinayaan in ka badan 30 sano.

Xogo hore u soo baxay, ayaa tibaaxaya, in safarka Biixi, ka qira weyn yahay, casuumaadda The heritage, isla-markaana uu socdo, qorshe muddo laga soo shaqeynayay oo ku addaan in Mareykanku, saldhig ciidan ka helo Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Berera oo ka mid ah deggaannada maamulka Soomaaliland ka taliyo.

Mareykanku, wuxuu hadda saldhig Milateri oo lagu magacaabo Camp Lemonnier, ku leeyhay dalka Jabuuti, wuxuuna xilliyo kala duwan muujiyay sida uu daneynayo inuu saldhig kale ka helo, aagga, muhiimka ah marinka maraakiibta caalamiga ah iyo gacanka Cadmeed, oo garabka ku haya biyaha Soomaaliya.

Xoguhu, waxa ay sheegayaan in Madaxweynaha Soomaaliland, uu durba qaabilay, Madax sare oo ka tirsan Wasaarada Gaashandhiga Maraykanka, oo uu ku jiro Wasiirka Difaaca ee dalkaas Lloyd James Austin, iyo qaar ka mid ah La-taliyayaasha Madaxweynaha Maraykanka ee dhanka Amaanka iyo Diblumaasiyadda.

Muuse Biixi iyo weftigiisu, waxa ay shalay kulan la qaateen xubno ka tirsan Guddida Arrimaha Dibadda Mareykanka, kaas oo la sheegay in u-jeedkiisu ahaa sidii loo dardar-gelin lahaa wada shaqayn qoto dheer oo dhexmarta maamulka madax-bannaanida sheegta ee Soomaliland iyo Dowladda Mareykanka.

Hayeeshee, Ilhaan Cumar, oo ka tirsan Congress-ka, kana mid ahayd xubnihii la kulmay waftiga Muuse, ayaa sheegtay in xildhibaanada Maraykanku la yaabeen isla markaana ku adkaatay in ay fahmaan lahjadda diblumaasiyadeed oo ay ku hadlayeen madaxda Somaliland ee ay kulanka la qaateen.

Hadaka Ilhaan ayaa dhaliyay falcelin xooggan, waxaana si adag, weerar afka ah ugu qaaday, in badan oo ka mid ah, dadka ka soo jeeda deggannada Soomaaliland, kuwaas oo ku eedeeyay in ay ka soo hor jeeddo, wax ay ugu yeereen dhaqdhaqaaqii diblumaasiyadeed ee ugu weynaa oo Soomaaliland sameyso taariikhda.

Soomaaliland, waxa ay dadaal xooggan ku bixineysaa in ay hesho madax-bannaani, hayeeshee, ma jiro waddan adduunka ah, oo ilaa hadda u aqoon saday dal xor ah, waxaana la rumeysan yahay in xornimada Hargeysa taalo kaliya Muqdisho, isla-markaana ay madax-bannaani ku heli karto afti shacab oo loo dhan yahay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.