KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Cabdikariin Axmed Mooge, ayaa helay taageerada Madaxeynaha Soomaaliland Muuse Biixi, kadib markii uu u diray baaq uu ku doonayo inuu ku hoggaamiyo shacabka Hargeysa ee siiyay codadkii ugu badnaa taariikhda.
HARGEYSA, Soomaaliland - Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka jawaabay baaq uu maanta u diray Cabdikariin Axmed Mooge, oo ku aadanaa in la dhageysto guuxa shacabka Hargeysa, ee ah in maayarka magaalada laga dhigo mudanaha ay cododkii ugu badnaa siiyeen codbixiyayaasha Caasimadda oo isaga ahaa.
Saacado yar kadib, baaqa Mooge, Madaxweyne Biixi ayaa u diray Casuumaad, wuxuuna u ballan qaaday in la marayo wadada sharciga ah, si shacabka Hargeysa u helaan maayarka ay rabaan.
“Madaxweynaha oo tixgelinaya codsiga mudanaha ugu codka badan tartamayaashii goleyaasha deegaanka ee dalka ka dhacay ee la xidhiidha in la dhegaysto codka shacabka caasimadda Hargeysa, ayaa si gaar ah ula kulmay mudane Cabdikariin iyo xubno golaha deegaanka ah, kana soo jeeda axsaabta mucaaridka ah.” Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliland.
Damaca Cabdikariin Axmed Mooge, waxaa la aaminasnyahay inuu dhabar jab ku noqon doono, is-kaashiga ay sameysteen Xisbiyada Mucaaradka ah oo isla fahmi waayay, cidda u istaageysa duqa magaalada Hargeysa.
Cabdikariin, oo uu aabe u yahay Fannaankii weynaa ee Soomaaliyeed, Axmed Mooge Liibaan, ayaa noqday xildhibaankii codkii ugu badnaa ka helay Hargeysa taariikhda, kadib markii loo diiwaan galiyay in ka badan 26000 kun oo cod.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.