KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Somaliland In ku dhaw 30 sano, nabad galyo iyo nidaam u eg mid dowladnimo oo ka hirgalay, ayaa qarka u saaran inuu daadku qaado.
HARGEYSA, Soomaaliya- Somaliland oo ah maamul, ku dhaawaqay gooni isu-taag, aqoonsi caalami ahna raadinaya muddo 30 sano ah, ayaa xilligan qarka u saaran inuu bur buro.
Sababta ugu weyn waxaa leh Madaxweynaha maamulkaas Muuse Biixi, oo raba inuu cagta mariyo, wixii ay ku heshiiyeen dadka Somaliland, isagoo iminka qorsheynaya inuu aanu qaban doorashada la filayo in ay dhacdo bisha Novermber ee sanadkan.
Qorshahiisan muddo kordhinta, ee uu damacsan yahay ayey ka abuurantay xiisada siyaasadeed ee ka jirta Somaliland, waana mid sidoo kale diidan in mucaaradka kursi doonka ah iyo bulshada kale in ay muujiyaan dareenkooda ku aaddan yoolkiisa.
Khilaafkan ayaa sida kale haddii loo dhigo, isku roggi kara, mid beeleed, maaddaama hoggaanada labada xisbi ee Wadani iyo UCID, ay yihiin kuwo isku heyb ah, kuna wada abtirsada beesha Garxajis.
Billaabashada dirir dhex marta axsaabta mucaaridka iyo xukuumadda Biixi, ayaa ka dhigan, dhamaadka maamulka Somaliland, oo sanadihii ugu danbeeyey lagu dhaliilayey, in heyb gaar ah ay majaraha u heyso siyaasadda maamulkaas, taas oo ah beesha dhexe ee Isaaq.
Dagaal ka dhex qarxa beesha Isaaq, oo ay u wada dhasheen, Biixi iyo hoggaanada labada xisbi, ayaa fursad ay maamulkaasi kaga baxaan u noqonaya beelaha kale siiba kuwa darafyada, Sida Gadabuursi, Dhulbahante, Warsangali, Madhibaan iyo Ciise, oo indhaweydba ka cabanayey hannaanka awood qeybiga Somaliland, iyagoo tilmaamayey in ay u dulman yihiin beeshe dhexe.
Si kastaba Muuse Biixi, oo ka tirsanaa ciidamadii millatariga ee keligii taliyihii Maxamed Siyaad Barre, ayaa xilligan akhrinaya daruus uu ka meersaday ina Siyaad Barre, waxeyna iminka Somaliland sababsaneysaa gacantiisa haddii uusan ka beyrin dhabaha qaldan ee uu hayo.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.