Muuse Biixi oo Muddo-korarsi sameystay

Tan iyo sanadkan horaantiisa waxaa Somaliland ka taagnaa khilaaf siyaasadeed oo salka ku haya doorashadda, taasoo hadda Muuse Biixi dib u dhigay muddo labo sano ah.

Warar Keydmedia Online
Muuse Biixi oo Muddo-korarsi sameystay

HARGEYSA, Soomaaliya - Gollaha Guurtida Somaliland, ayaa ku dhawaaqey inay muddo-kordhin labo sano ah u sameeyeen Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, kaasoo xukunka soo haystay tan iyo 2017.

Codbixinta muddo-kordhin waxaa taageeray 72 mudane oo kamid ah 74 fadhisay kulanka Maanta, iyadoo lagu dhawaaway in Mooshinka uu ansax yahay, oo Muuse Biixi Xafiiska soo joogi doono illaa November 2024.

Sidoo kale, Gollaha Guurtida oo u shaqeeya sida Aqalka Sare ee Baarlamaanka ayaa shan sano ku darsaday muddo-xileedkiisa, waxaana tallaabadan laga cabsi qabaa inay rabshaddo iyo xaalad siyaasadeed ka abuurto Somaliland.

Maamulka Somaliland ayaa ku faani jiray dimuqraadiyad iyo xukun qori isku dhiib ah tan iyo intii ay jirtay, laga soo billaabo 1991, waxaana hadda muuqato in Muuse Biixi dhabahaas ka leexiyay.

Tan iyo sanadkan horaantiisa waxaa Somaliland ka taagnaa khilaaf siyaasadeed oo salka ku haya doorashadda, taasoo hadda Muuse Biixi dib u dhigay muddo labo sano ah.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.