Muuse Suudi: Farmaajo oo aan Villa Somalia ka bixin annaga…

Senator Muuse Yalaxow wuxuu sheegay in taageeradda Geelle ee loo geynayo Ciidanka isaga taabacsan aan joogsan doonin, inta uu Farmaajo ku jiro Villa Somalia.

Warar Keydmedia Online
Muuse Suudi: Farmaajo oo aan Villa Somalia ka bixin annaga…

MUQDISHO, Soomaaliya - Senator Muuse Suudi Yalaxow oo katirsan Aqalka Sare ayaa sheegay in Mucaaradka uusan hurdo iyo harsan midna sameyn doonin, inta Farmaajo uu xukunka isku dhejinayo, islamarkaana diidan yahay inuu ka guuro Villa Somalia.

Muuse Suudi ayaa hadalkan ka jeediyay munaasabad uu Geell tiro badan ugala wareegayay mid kamid ah Beelaha gobolka Banaadir, oo taageero gaarsiisay Ciidan ku sugan qeybo kamid ah Muqdisho, oo mucaaradka taabacsan.

Wuxuu Senator-ka oo kamid ah shaqsiyaadka awoodda badan ku leh Muqdisho u sheegay Farmaajo in shacabka Soomaaliyeed aysan maanta doonaynin taligii-taliye cusub, islamarkaana ay diyaar u yihiin inay difaacdaan dowladnimadooda iyo dalkooda.

"Kuwa agtaada fadhiya waxba kaama celin karaan, been ayay kuu sheegayaan, adiga oo aan Madaxtooyo ka bixin, Geella loogu deeqayo Ciidanka Badbaado Qaran joogsan maayo, annagana seexan mayno," ayuu Muuse Suudi u sheegay Farmaajo.

Muuse Suudi ayaa dhanka kala xusay in dalkan badbaadadiisa ku jirto inay doorasho dhacdo, oo dowlad iyo madax cusub yimaadaan, hadii taas la waayana ay xaaladdu sii ahaan doonto sida hadda taahy iyo si kasii daran, dagaalna lama huraan noqon doono.

Ciidanka Badbaado qaran ayaa wali ku sugan qeybo kamid ah Caasimadda, gaar ahaan dhanka waqooyi iyadoo laga saarey magaaladda kuwii joogay Siigaalle, Dabka iyo Nawaaxiga Sayidka, waxaana muuqata in Muuse Suudi kuwiisa halkoodii joogaan.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.