KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Arintaaan ayaa ku soo aadeysa xilli aan wax hormar ah laga samryn waan-waan ay garwadeyn ka ahaayeen Madaxweynaha Galmudug, Qoorqoor iyo Guddoomihi hore ee Golaha Shacabka Maxamed Mursal.
MUQDISHO, Soomaaliya – Agaasime ku xigeynkii hore ee Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, General Cabdalla Cabdalla, oo si weyn ugu dhuun duleela arrimaha Ciidanka, ayaa sheegay in Fahad Yaasiin uu xalay kulan kula qaatay Xarunta NISA ee Habar Khadiijo, dhamaan saraakiisha xilalka sar-sare heysa marka laga reebo Bashiir Goobe, oo RW Rooble, u magacaabay taliyaha KMG ah ee Nabad-sugidda.
General Cabdalla, wuxu sheegay in kulanka loo ekeysiiyay casho sagootin ah, hayeeshee, uu ahaa kulan loogu diyaar garoobayay dagaal ka dhan ah kuwa cadaaladda u raadinaya Ikraan Tahliil Faarax oo ku maqan gacanta kooxda uu hoggaamiyo Fahad Yaasiin.
“Casho u eg inqilaab cidan ayaa caawa ka dhacday NISA-HQ, dhammaan taliyayaasha ciidanka marka laga Reebo Bashir Gobe ayaa la shiray Abucamar (Fahad Yaasiin), wuxuuna u sheegay in la galay marxalad dagaal lana diyaar garoobo.” Ayuu yiri Taliye ku xigeynkii hore ee NISA.
Wuxuu xusay in saraakiisha kulanka xaadirtay lagu war-galiyay in ay u diyaar garoobaan dagaal, ka dhaca Muqdisho, isla-markaana la shaqeeyaan Yaasiin Farey, oo Farmaajo qaab fowdo ah uu ugu magacaabay hoggaanka ku meel gaarka ah ee NISA.
‘Sarkaashiisa ka qayb gashay shirka waxay ku taxliiliyeen kulanka inuu ahaa diyaar garow dagaal iyo amar lasiiyay inay la shaqeeyaan taliyaha ka magacaaban dhanka Farmaajo”, ayuuyiri, Agaasime ku xigeynkii hore ee Nabad-sugidda.
Wuxuu walaac ka muujiyay in Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, uu caqabad hor leh kala kulmo xaaladaha uu qaboojiyay, maadaama eedeysanayasha kiiska Ikraan ay dagaal u diyaar garoobeen.
Farmaajo iyo Fahad, waxa ay rumeysan yihiin in mid ka mid ah waddooyinka ay eedeysanayaashu kaga baxsan karaan gacmaha cadaaladda ay tahay, dagaallo kharaar oo ka dhaca Caasimidda, si loo laabo galka dacwada iyo baaritaannada xeerilaalinta Maxamadda CQS.
Arintaaan ayaa ku soo aadeysa xilli aan wax hormar ah laga samryn waan-waan ay garwadeyn ka ahaayeen Madaxweynaha Galmudug, Qoorqoor iyo Guddoomihi hore ee Golaha Shacabka Maxamed Mursal.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.