Muxuu Antonio Guterres ka yiri doorashada MW Xasan?  

War-saxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa lagu xusay, in Guterres si weyn u soo dhaweynayo doorashada Soomaaliya iyo sida nabadda ah ee ay ku soo gabagaboowday.

Warar Keydmedia Online
Muxuu Antonio Guterres ka yiri doorashada MW Xasan?  

UNITED NATIONS - Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, ayaa si weyn u soo dhoweeyay doorashada madaxtinimada Soomaaliya oo Axaddii si nabad ah ku dhacday, wuxuuna si mug leh ugu hambalyeeyay Xasan Sheekh Maxamuud oo loo doortay Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Xoghayaha guud, wuxuu sheegay inuu rajaynayo in Madaxweynaha cusub uu si degdeg ah ugu dhaqaaqo Ra’iisul Wasaaraha si loo dhiso “Gole wasiiro oo loo dhan yahay,” iyo in dowladda cusub iyo dowlad gobolleedyada xubnaha ka ah Federaalka ay si dhow u wada shaqeyn doonaan “si loo hormariyo arrimaha muhiimka ah ee qaranka”.

Guterres, waxuu sheegay in ay ka go’an tahay xoojinta taageerada joogtada ah ee ay Qaramada Midoobay siiso Dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna ballan qaaday inuu wada shaqayn dhaw la yeelan doono maamulka cusub si loo horumariyo qorshaha dawlad-dhisidda Soomaaliya iyo wax ka qabashada xaaladaha bini’aadantinimo.

Hadalka ka soo baxay madaxa Qaramada Midoobay ayaa lagu boorriyay Madaxweynihii hore, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaasoo aqbalay natiijada doorashada, kadib markii ku dhawaad hal sano iyo bar, ay xasarado siyaasadeed iyo xiisado xooggan aloosnaayeen, kuwaas oo ka dhashay kursi isku dhajin iyo dib-u-dhac doorasho.

Qaramada Midoobay iyo wakiillada dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya ayaa muddo dheer ku cel-celinayay in degdeg lagu dhameystiro doorashooyinka Soomaaliya, si looga gudbo hubanti la’aanta siyaasadeed, is qab-qabsiyada ka dhasahay kala aragti duwanaanshaha iyo xaaladaha amni xuno ee dalka ku baahday.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa booqasho lama filaan ah ku yimid Soomaaliya maalmo kadib doorashadii Maxamed Farmaajo horraantii 2017, u-jeedka safarkaas ayaana ahaa inuu muujiyo "taageero ballaaran" si wax looga qabto xaalado abaareed oo xilligaas ka taagnaa waddanka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.