Muxuu CCWarsame kala hadlay Dowladda Ingiriiska?

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ka codsaday Dawladda Ingiriiska in ay indhaha caalamka ku soo leexiso sidii loo taageeri lahaa kacdoonka shacabka iyo ka go’naashaha hoggaanka dawladda ee lagu ciribtiro Kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida ee ku sugan dalka.

Warar Keydmedia Online
Muxuu CCWarsame kala hadlay Dowladda Ingiriiska?

LONDON - Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Gurmadka Abaaraha Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ku sugan London ayaa kulan la qaatay Ergeyga gaarka ah ee Geeska Afrika u qaabilsan Dawladda Ingiriiska Sarah Montgomery iyo masuuliyiin kale.

Sidoo kale kulanka waxaa qeyb ka ahaa Xoghaya joogtaa ah ee Horumarinta Gargaarka bani’aadannimada Nick Dye, Madaxa Africa ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Corin Robertson iyo Ergeyga gaarka ah ee Isbedelka Cimillada Nick Bridge.

Kulankan oo daba socday kulan uu Ergeygu Magaalada New York kula soo yeeshay Wasiirka horumarinta UK, Vicky Ford, ayaa looga hadlay xoojinta gurmadka abaaraha, daddaalada xasilinta iyo garab istagaa guulaha laga gaaray dagaalka Al-Shabaab.

Ergayga ayaa sidoo kale kala hadlay masuuliyiintaan sidii ay Dawladda Ingiriiska u kordhin lahayd dadaallada u qareemidda gurmadka abaaraha iyo sidii ay deeq-bixiyayaasha ugu soo jeedin lahayd in wadajir looga hor tago macluul Soomaaliya ka dhacda.

Ergeygu wuxuu sheegay inuu la wadaagay FCDOGovUK, halka uu marayo kacdoonka shacabka iyo guulaha milatari ee ka dhanka ah Al-Shabaab, kuwaasoo uu ku tilmaamay in ay iftiin hor-dhac ah u yihiin xasilloonida amni ee mustaqbalka Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ka codsaday Dawladda Ingiriiska in ay indhaha caalamka ku soo leexiso sidii loo taageeri lahaa kacdoonka shacabka iyo ka go’naashaha hoggaanka dawladda ee lagu ciribtiro Kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida ee ku sugan dalka.

Ergeygu wuxuu si gaar ah ugala hadlay Wakiilka gaarka ah Is-baddalka cimilada Nick Bridge, wax ka qabshada cimilada heer caalami, xoojinta u adkeysashada is-baddalka cimilada ee Soomaaliya iyadoo loo marayo dhaqaalaha la xariira mag-dhowga cimilada.

Warsame ayaa ku guda jira safarro uu kula kulmayo jaaliyadadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalalka dibadda, wuxuuna hore u soo maray Waqooyiga America gaar ahaan Maraykanka iyo Canada, wuxuuna la dhawaan la kulmi doonaa jaaliyadda Ingiriiska.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.