KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Hirshabeelle waxaa mudo dheer kusoo jirtay khilaafyo iyo faragelin uga imaanaysa dhinaca dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo.
MUQDISHO, Soomaaliya - Guusha doorashadda Hirshabeelle uu ka gaarey Cali Guudlaawe ma ahayn mid loo mashxaradeeyay, oo shacabka ay soo dhaweeyeen maadaama uu ahaa musharaxa Villa Somalia ay wadatey.
Farmaajo oo dowladdiisa lagu eedeeyay inay afduubtay mustaqbalka Hirshabeelle ayaa u hambalyeeyay Cali Guudlaawe iyo ku-xigeenkiisa, oo labaduba Muqdisho laga maamulay doorashadooda, lana filayo inay noqon doonaan calan-wadiyaal.
“Waxaan ugu hambalyeynayaa Madaxweynaha iyo Madaxweyne K/Xigeenka cusub ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo Yuusuf Axmed Hagar xilalka loo doortay maanta, anigoo ka rajeynaya in ay u horseedan bulshada deegaannada Hiirshabeelle xasillooni, amni, midnimo,caddaalad iyo horumar loo dhanyahay," ayuu yiri Farmaajo.
Waare oo markii xilka iska-casiley wareysi uu bixiyay ku sheegay in Hirshabeelle ay noqotay meel madaxa joogta Villa Somalia ku daneystaan xiliga doorashadda dalka, maadaama Maamulka laga soo doorto 45 kursi ama Xildhibaano oo muhiim u ah Madaxweyne kasta oo xilka kasii degaya, oo dib u doorasho raadinaya.
Farmaajo waa musharax 2021, isagoo hadda dejiyay qaabkii uu ku guuleysan lahaa, taasoo ay kamid tahay inuu sameeyay gudi doorasho oo u badan dhalinyaro isaga baraha bulshada ka taageeri jiray iyo xubno Sirdoonka katirsan.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.