Muxuu hoggaanka Habargidir ka yiri xaaladda Galgaduud?

Guddoomiyaha Golaha Hoggaaminta Habargidir ayaa ka hadlay colaadda ka soo cusboonaatay degaannada Galmudug, wuxuuna diray baaq  nabadeed oo dhowr dhinac ku wajahan.

Warar Keydmedia Online
Muxuu hoggaanka Habargidir ka yiri xaaladda Galgaduud?

MUQDISHO, Soomaaliya - Borofesoor Cabdiqaadir Maxamed Shirwac, oo ah hoggaanka dhaqanka beesha Habargidir, ayaa ka hadlay xaaladda ka soo cusboonaatay maamulka Galmudug, gaar ahaan magaalada Guriceel iyo dib u soo laabashada Ururka Ahlu-sunna Wal-jamaaca.

Professor Shirwac, wuxuu wax laga xunaado ku tilmaamay, in xilligaan [Qoriga xabadda la gashto] ayadoo saldano lagu raadinayo dhiig la daadiyo iyo shacab la barakiciyo, taas oo wiiqeysa nidaamka dowladnimada iyo amniga aan cagaha badan ku taagneyn ee degaanka.

Hoggaamiyuhu, wuxuu koox diimeedka duullaanka ah ugu baaqay in ay miiska wadahadalka tagaan, tabashadoodadna in wada-xaajood lagu xalliyo ogolaadaan, si looga baaqsado dagaallo sii siyaadiya dib u dhaca degaannada Galmudug.

Professor Shirwac, wuxuu ku baaqay in degaannada ka baxay gacanta Maamulka Galmudug dib loogu celiyo, lana ilaaliyo heshiisyada u ku dhisan yahay maamulka, danta gaarka ahna laga hor mariyo midda guud, oo masiiirka umadda oo dhan aan loo af-duubin u jeeddo siyaasadeed oo shaqasiyaad gaar ah wataan.

Dhamaan wax-garadka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Galmudug, ayuu ugu baaqay in ay xalka arrinkaan u istaagaan, si loo helo xasillooni iyo nabad, wuxuuna Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta ku taageeray muuqifka uu ka istaagay, xasaradaha soo cusboonaaday.

Aqoonyahanku, wuxuu si weyn kaga digay dagaallo ka dhaca degaanka, wuxuuna carrabka ku dhiftay ciidamada lagu daad-gureeyay Dhuusamareeb, wuxuuna mar kale, ku celiyay in qoriga xabadda laga saaro, sidii qorshuhu ahaa ee lagu ballamay maalmihii lagu shirsanaa Hobyo.

Bishii Sebtembar 2019 waxaa magaalo xeebeed-ka taariikhiga ah ee Hobyo lagu soo gabagabeeyay shir Beesha Habargidir u socday ku dhawaad muddo labo bil ah isla markaana lagu unkay Golaha Hogaaminta Beesha Habargidir (GHHG) oo u jeedkiisu ahaa helidda midnimo sal-adag leh iyo hoggaan taladiisu mideysan tahay, is-cafis iyo isku colool furnaan guud oo beesha dhexdeeda ah iyo nabad kula noolaasho dadka ood-wadaagga la ah.

Lixdan iyo siddeed xubnood oo Borofesoor Cabdiqaadir Maxamed Shirwac hoggaaminayo ayaa loo wakiishay howlaha (GHHG), ugu danbeynna 10th December 2019 ayaa guddoomiyaha lagu caleema saaray Muqdisho.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.