Muxuu ka dhigan yahay dilka dhaxal sugihii Al-Shabaab?

Intii u dhaxaysay 2008 ilaa 2017, DF oo kaashaneysa Maraykanka ayaa sidaan oo kale duqeyn ku dishay horjoogayaal ka tirsanaa Al-Shabaab oo qaarkood ajaanib ahaayeen, hayeeshee duqenta ceynkaan ah ayaa hakad gashay 5-tii sano ee la soo dhaafay.

Warar Keydmedia Online
Muxuu ka dhigan yahay dilka dhaxal sugihii Al-Shabaab?

JILIB, Soomaaliya – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in October 1, 2022 la dilay Madixii Dacwada Kooxda Al-Shabaab Cabdullaahi Nadiir, kadib duqeyn ka dhacday degaanka Xaramka ee gobalka Jubbada Dhexe.

C/llaahi Nadiir oo sidoo kale loo yaqaannay C/llaahi Yare, C/llaahi Yariisow iyo Cubeyd, wuxuu ka mid ahaa aas-aasayaashii Al-Shabaab, wuxuu soo noqday madaxa Shuurada iyo Maaliyadda & madaxa warbaahinta Kooxda Al-Shabaab.

Horjoogahaan wuxuu ka mid ahaa shaqsiyaadkii aadka ugu dhawaa hoggaamiyihii hore ee Al-Shabaab Ahmed Cabdi Godane (Abuu Subeyr), waxaana loo diyaarinayay inuu baddelo Amiirkooda hadda talada haya Axmed Diiriye (Abu Cubeyd).

Bishii Juun 2012 ayay Dawladda Maraykanku madixiisa dul-dhigtay ilaa 3 milyan oo doolar si loo helo macluumaad gacan ka geysan kara in la ogaado halka uu ku sugan yahay, waxaana ugu danbeyn xogtiisa helay sirdoonka Soomaaliya ee NISA.

“Dawladdu waxay u umahad celinaysaa shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamiga ah oo wadashaqayntoodu ay fududaysay dilka horjoogahaan cadawga ku ahaa ummadda Soomaaliyeed”, ayaa lagu yiri war ka soo baxay Dowladda.

Muxuu ka dhigan yahay dilka dhaxal-suge C/llaahi Nadiir?

Dilka C/llaahi Yare ayaa ka dhigan in hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ay dib u billowday ugaarsiga horjoogayaasha Al-Shabaab oo aan wax khatar amni ah dareemin shantii sano ee Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ka talinayeen dalka.

Sidoo kale, dilkaan ayaa la micno ah inuu durba dhaqan galay, hadalkii Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ee ahaa inuu bartilmaameed yahay xubin kasta oo ka tirsan Al-Shabaab, loona baahan yahay in shacabku ka fogaadaan.

Sida ay durba sheegayaan khubarada amni, duqeynta lagu dilay Nadiir, waxa ay farriin naxdin leh u tahay, Abuu Cubeyda, Cali Dheere, Fu’aad Shongole, Mahad Karataay iyo kuwo kale oo hore madaxooda loo dul saaray malaayiin doolar.

Intii u dhaxaysay 2008 ilaa 2017, DF oo kaashaneysa Maraykanka ayaa sidaan oo kale duqeyn ku dishay horjoogayaal ka tirsanaa Al-Shabaab oo qaarkood ajaanib ahaayeen, hayeeshee duqenta ceynkaan ah ayaa hakad gashay 5-tii sano ee la soo dhaafay.

Dhawaan Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa xaqiijiyay in dagaalka cirka ah ee ka dhanka ah Al-Shabaab ay ku soo biireen diyaaradaha Turkiga oo isku jira kuwo sirdoon iyo kuwo duqeyn.

Horay waxaa Soomaaliya uga howl-galayay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Maraykanka kuwaas oo culeys xooggan ku hayay Al-Shabaab, imaanshaha Bayraktar TB2, ayaana Al-Shabaab uga dhigan culeys kale oo xooggan.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.