Muxuu kala hadlay RW Rooble Gollaha Wadatashiga Qaran?

Waxaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin dardar gelinta doorashooyinka, sida dhameystirka doorashada xubnaha Aqalka sare iyo qabashada doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka.

Warar Keydmedia Online
Muxuu kala hadlay RW Rooble Gollaha Wadatashiga Qaran?

MUQDISHO, Soomaaliya - Shir u dhaxeeyay Gollaha Wadatashiga Qaran oo ay ku mideysan yihiin Ra’iisul wasaaraha iyo Madaxda Maamul Goboleedyada ayaa xalay ku qabsoomay aaladda Zoom-ka.

Waxaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin dardar-gelinta doorashooyinka, sida dhameystirka doorashada xubnaha Aqalka Sare iyo mida Xildhibaannada Gollaha Shacabka.

Shirkan ayaa warbixin looga dhageystay guddoomiyaha Guddiga doorashada heer Federal [FIET] Maxamed Xasan Ciro, kaasoo ka warbixiyay habka ay u socoto doorashada xubnaha Aqalka Sare, caqabadaha iyo waxyaabaha lagu dardargelin karo.

Macluumaad ay heleyso Keydmedia ayaa tilmaamaya in Gollaha Wadatashiga Qaran ay isku soo hadal qaadeen in kulan ay isugu yimaadaan, balse lama go’aamin xilliga rasmiga ah ee uu qabsoomi doono kulankaas.

Khilaafka siyaasadeed ee hareeyay mas'uuliyiinta dowladda, ayaa mugdi sii galinaya rajadii doorashooyinka oo aan ku socon habkii ku habboonaa, taas oo loo tiirinayo sida Farmaajo iyo kooxdiisa uga soo horjeedaan inay dhacdo doorasho la mid ah tii uu hoggaanka dalka ugu qabtay si nabad ah horraantii sannadkii 2017-kii.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.