Muxuu kala soo kulmay Xasan Sheekh Shirka Tanzania?

Rajo wanaagsan ayay Villa Somalia sheegtay inay jirto, oo dalka ku dhaw yahay ku biirista Urur Goboleedka Ganacsiga ee East African Community.

Warar Keydmedia Online
Muxuu kala soo kulmay Xasan Sheekh Shirka Tanzania?

MUQDISHO, Soomaaliya - Xasan Sheekh ayaa markii 3aad Madaxda East African Community u gudbiyay codsiga Soomaaliya ee ku biirista Ururkan, oo ka kooban Uganda, Kenya, Rwanda, South Sudan, Dr Congo iyo Tanzania.

Shirkii Arusha, oo ahaa midkii 22aad ee East African Community ayaa waxaa lagu dhageystay Khudbadda Xasan Sheekh Khamiistii, isagoo uga mahadceliyay dalalka taageeradda ay la garab taagnaayeen Soomaaliya tan iyo burburkii.

Wuxuu xusay Xasan Sheekh inuu rajo weyn ka qabo in shirka soo socda uu arko Calanka Soomaaliya oo ka ag-babanaya Calamada kale ee EAC, taasoo u baahan marka kale in Soomaaliya buuxiso shuruudaha looga baahan yahay.

Madaxda EAC ayaa sheegay inay Wafdi heer wasiiro ah oo qiimeyn kusoo sameeyay Soomaaliya usoo dirayaan Muqdisho, iyadoo kadibna la guda gali doono ansixinta codsiga Xasan Sheekh.

Soomaaliya ayaa labo jeer oo hore dalab u gudbisay Ururka 2016 iyo 2019, waxaana la filayaa in markan ay noqon doonto tallaabadii ugu dambeysay, oo si rasmi ah ugu biirayo dalka Ururka Goboleedka, oo hadafka loo aas-aasay ah inuu fududeeyo isku socodka ganacsiga iyo dadka, iyo mideynta canshuuraha.

Wadamada EAC-da ka kooban tahay waa Kenya, Tanzania, Uganda, Rwanda, Burundi, South Sudan iyo DR Congo.

Wuxuu dalka xubin ka noqon karaa ururka marka uu buuxiyo shuruudo gaar ah oo ku xusan heshiiskii 1999-kii ee aasaaska bulshada Bariga Afrika. Shuruudahaas waxaa ka mid ah ixtiraamka mabaadi'da caalamiga ah ee dowlad-wanaagga, dimuqraadiyadda, ku-xukunka sharciga, ixtiraamka xuquuqda aadanaha iyo xorriyadaha kale ee madaniga ah.

Xasan Sheekh ayaa Maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho kadib kulanka Arusha, waxaana lagu wadaa inuu dhawaan u safro Masar, oo noqon doonto dalkii 7aad oo uu booqdo tan iyo markii uu xafiiska kala wareegay Farmaajo bishii lasoo dhaafay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.