Muxuu ku qotomaa safarka MW Xasan ee Itoobiya?

Itoobiya waxa ay dhawaan sheegtay in ay gudaha Soomaaliya ka sameyn doonto aag ka caaggan Kooxda Al-Shabaab oo ka baxasan xudduudka Itoobiya “Security Buffer Zone”, kaasoo sida muuqata aan laga talo galin Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online
Muxuu ku qotomaa safarka MW Xasan ee Itoobiya?

MUQDISHO, Soomaaliya – Sida ay Keydmedia Online u sheegeen ilo lagu kalsoonaan karo  Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud ayaa maalmaha soo aaddan ku wajahan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya halkaasoo uusan tagin tan dib u doorashaiisii.

Madaxweynaha oo hore ugu socdaalay inta badan dalalka Gobolka Geeska Afrika ayaa Addis ababa kula kulmi doona Ra’iisul Wasaaraha dalkaas Abiy Axmed oo la fahansan yahay in uusan ku faraxsaneyn is-baddelka ku dhacay hoggaanka Soomaaliya.

Safarka Madaxweynaha ee Addis Ababa oo u jeedkiisu yahay sidii meesha looga saari lahaa madmadowga diblumaasiyadeed ee labada dal ka dhexeeya ayaa la qorsheeyay bishii hore, hayeeshee arriimo farsamo oo labada dhinacba ah ayaa sababay inuu dib u dhaco.

Ilaha aan xogta ka helnay waxa ay sheegayaan in wafti hordhac u ah socdaalka MW Xasan Sheekh Maxamuud uu hadda ku sugan yahay magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, halkaasoo ay ku qaban-qaabinayaan soo dhaweyntiisa.

Socdaalkaan ayaa ku soo aadaya xilli ay Ciidan ka tirsan Militeriga Itoobiya ay billowgii bishii hore soo galeen gudaha Soomaaliya, isla-markaana ay Itoobiya sheegaty in ay fariisimo ciidan ka sameysan doonto gobollada Xuduudda la leh dalkeeda.

Markii uu meesha ka baxay Farmaajo oo ahaa saaxiibka Abiy Axmed, Itoobiya waxa ay isku diyaarisay in ay dib u soo celiso faragalintii Soomaaliya, Madaxweynayaasha Punland iyo Koofur galbeed ayaana booqashooyon aan qarsooneyn ku tagay gudaha Itoobiya.

Itoobiya ayaa dooneysa in ay gacanta ku dhigto degmooyin ku yaalla Bay, Bakool iyo Hiiraan, si maamullada Koofur galbeed iyo Hirshabeelle looga xukumo Addis ababa, si la mid ah, sida Kenya u xukunto maamulka Jubaland ee Axmed Madoobe hoggaamiyo.

Tallaabooynkas siyaasadeed ayaa ku soo aadaya xilli dhawaan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh uu safar ku tagay dalka Masar oo Itoobiya isku yahaan muranka biyaha wabiga Niil, isla-markaana Xasan iyo Al-Siisii ka wada hadleen arrinka biyaha.

Sidoo kale MW Xasan wuxuu garabka ku dhifatay Isbaheysigii Saddex geesoodka ahaa ee Itoobiya iyo Eritrea ku wehliyeen Soomaaliya, halka uu si toos ah u codsaday ku biiritaanka Daladda Bulshada Bariga Afrika oo ah Urur ka mustaqbal fiican Itoobiya iyo Eritrea.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.