Golayaasha Baarlamaanka oo leh kulan wadajir ah

Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamanka Somalia ayaa maanta yeelanaya mid kam id ah kulamadoodii caadiga ahaa, kaasoo ay kaga doodi doonaan akhrinta 2aad ee Miisaaniyadda 2022 ee dowlada Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online
Golayaasha Baarlamaanka oo leh kulan wadajir ah

MUQDISHO, Soomaaliya – Golayaasha Baarlamaanka 11-aad ee JFS ayaa maanta u fariisanaya aqrinta labaad ee miisaaniyadda 2022 ee dowlada Soomaaliya, oo ah middii ugu badneyd ee Golaha Wasiirradu soo gudbiyaan kuna dhow hal Bilyan oo Dollar.

“Berri oo Talaada ah 28 June waxaa jira kulanka Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Ajendaha kulanka waa Akhrinta 2aad ee Miisaaniyadda 2022” ayaa lagu yiri qoraal xalay loo kala diray xildhibaanada.

Senatorada Golaha Aqalka Sare ayaa dhankooda loo diray farriin sheegeysa inuu jiro kulankii Wadajirka ahaa ee Labada Aqal ee BFS, inkastoo aqrintii 1-aad ay dood ka keeneen in miisaaniyadda lagu wada aqriyo Villa Hargeysa haddana mar kale ayaa loo yeeray.

Miisaaniyadda sanadkan 2022 oo ay soo gudbisay Xukuumadda hadda shaqada ka sii tagaysa, ayaa gaareysa $918.7 milyan, taasoo loo gudbiyay Baarlamaanka, si uu u meel-mariyo, halka miisaaniyaddii 2021, ay ahayd, $671 milyan oo doolar.

Aqrinta miisaaniyadda ayaa ku soo beegantay xilli Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya loo heysto danbiyo maaliyadeed iyo wax is-dabamarin xooggan, isla-markaana looga yeeray xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud, inkasoo uu si cad u diiday inuu aqbalo u yeeristaas.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.