KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Al-Shabaab ayaa jab xooggan kala kulmay dagaal ay bartamihii bishii Juun la galeen dadka magaalada Baxdo, markaas oo laga dilay in ka badan 100 askari. Al-Shabaab wixii markaas ka danbeeyay waxa ay billowday beegsi gaar ah oo ka dhan ah beesha Cadaado
MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo todobaadkaan socdaal ku maray degmooyin iyo degaanno dhaca gobollada Mudug, Galgaduud iyo Hiiraan ayaa magaalada Baxdo ku suntay laf dhabarka halganka ka dhanka ah Kooxda Al-Shabaab.
Madaxweynuhu wuxuu dadka baxdo ku ammaanay go’aanka ay qaateen ee ku aaddan in Al-Shabaab uusan cagaha soo dhigin degaanka, kaas oo sababay in magaaladu nabad ahaato dadkuna ku noolaadaan xorriyad ay iyagu gacmahooda ku keensadeen.,
“Dadka Baxdo, waqti munaasib ah ayeey qaateen go'aan dhaxal gal ah, kaasi oo horseeday in maanta ay si nabad iyo xorriyad ah ugu noolaadaan iyagoo aaan ka baqeyn Al-Shabaab isla-markaana difaacday naftooda, maalkooda, sharafkooda iyo diintooda”, ayuu yiri.
Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu tilmaamay in Dowladdu ay diyaarisay qorshe adeegyada dowladnimada lagu gaarsiinayo degmooyinka iyo degaannada dadkoodu iska dulqaadeen dulleysiga Kooxda Al-Shabaab oo Baxdo iyo magaalooyin kale ay qeyb ka yihiin.
Al-Shabaab ayaa jab xooggan kala kulmay dagaal ay bartamihii bishii Juun la galeen dadka magaalada Baxdo, markaas oo laga dilay in ka badan 100 askari. Al-Shabaab wixii markaas ka danbeeyay waxa ay billowday beegsi gaar ah oo ka dhan ah beesha Cadaado.
Dagaalkaas kadib Al-Shabaab waxa ay billowday in ay burburiso ceelashii biyaha iyo baraagihii ku yaallay degaannada Cada-kibir iyo Maarsamage iyo kuwo kale oo hoostaga degmada Baxdo, halka ay qarxiyeeen xarumahii isgaartiinta ee shirkadda Hurmuud.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.