Muxuu Qoor-qoor u fogeeyey Ahlu Sunna?

Qoor-qoor ayaa guluf xooggan ku qaaday ururka Ahlu Sunna, kuwaas oo gobollada dhexe ka arriminayey in ka badan 10 sano.

Warar Keydmedia Online
Muxuu Qoor-qoor u fogeeyey Ahlu Sunna?

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya- Qoor-qoor Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa Ahlu Sunna ula dagaallamaya si xooggan, waxaana taas ay sababtay in ururku uu carqalad ku noqdo amniga gobollada dhexe.

Guluf ka daran midka ka dhanka ah Al Shabaab ayuu u galay, sidii uu siyaasadda Galmudug uga dheereyn lahaa Ahlu Sunna, waana amar ka yimid Farmaajo iyo Fahad oo uu isagu lahaa fulinteeda.

Qorshahan ayaa gobollada dhexe u diidaya in ay ku naalooto nabad iyo xasilooni, maaddaama ururku uu fariisimo ka sameystay deggaanada miyiga ah.

Dadka qaar ayaa qaba in cadawtinimad Galmudug iyo Ahlu Sunna ay kordhineyso awooda Al Shabaab, kuwaa oo sida muuqata iminka ku xoogeystay gobollada dhexe.

Waxey ku baaqayaan in Qoor-qoor uu ka tanaasulo qorshihii ay ka dhaadhiciyeen kooxdii waqtigoodu dhamaaday, si ay isku baddesho xaaladda amni ee Galmudug.

Wada hadal iyo in la wada fariisto ayey xalka ku sheegayaan dadka waxgaradka ah, lamase ogga in uu Qoor-qoor ku dhaqaaqayo fulinta talooyinka la siinayo.

Ahlu sunna oo muddo badan ka talineysay gobolada dhexe ayaa lagu amaanaa kaalintii ay ka qaateen dagaalka ka dhanka ah Al Shabaaab, waxaase lagu dhaliilaa in ay yihiin kuwo xil doon ah oo ku dhuumanaya magac diimeed.

KEYDMEDIA ONLINE 

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.