Muxuu RW Rooble kala hadlay Sheekh Aadan Madoobe?

Ra’iisul Wasaaraha oo la afuray labada mas’uul ayaa guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka ugu hambalyeeyay mas’uuliyadda Qaran ee loo doortay una rajeeyay guul.

Warar Keydmedia Online
Muxuu RW Rooble kala hadlay Sheekh Aadan Madoobe?

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaare Rooble ayaa xalay kulan afur ah la qaatay Gudoomiyaha cusub ee Gollaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe iyo Gudoomiyihii KMG ahaa Dhabancad.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay in Rooble ugu hambalyeeyay Sheekh Aadan Madoobe mas’uuliyadda Qaran ee loo doortay una rajeeyay guul.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa booqasho iyo hambalyo ugu tagay guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka BJFS Mudane Aadan Maxamed Nuur Madoobe iyo guddoomiyihii KMG ahaa ee Golaha Mudane Cabdisalaan Xaaji Axmed Dhabancad.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa guddoomiyihii KMG ahaa uga mahadceliyay howshii wanaagsaneyd ee uu soo qabtay isagoo ku amnaanay sidii uu hoggaamiyay howshii doorashada guddoonka Golaha Shacabka oo si guul ah ku soo idlaatay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.