Muxuu RW Xasme ka yiri abaaraha iyo amniga?

RW Xamse ayaa xusay in ay ka jiraan abaaro ba’an oo saameeyey nolosha in ka badan hal milyan oo Soomaali ah, una baahan gurmad, isagoo baaq u diray ganacsatada iyo guud ahaan cid walba oo gacan ka geysan karta.

Warar Keydmedia Online
Muxuu RW Xasme ka yiri abaaraha iyo amniga?

MUQDISHO, Soomaaliya – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo ka qeyb galay munaasabad lagu taageerayey Xukuumadda oo ay soo qaban-qaabiyeen qaar kamid ah bulshada Caasimadda, ayaa si weyn uga hadlay abaarta daran ee dalka ka taagan muddada labada sano ku dhow.

Wuxuu aad ugu dheeraaday inuu dadka ku baraarujiyo xaddiga abaarta iyo sida ay tahay in dadka wax-yeelladu gaartay loo garab istaago, isagoo xusay in hal malyan oo qof ka barakaceen guryahooda sababo la xariira cunto yari, kuwaas oo hadda ku jira xerooyin barakac oo aysan ku helin gurmadkii ay u baahnaayeen.

“Hal milyan oo qof oo Alle ka sokow aan cidna u maqneyn oo baahi iyo oon la il-daran ayaa nooga baahan marka koowaad in aan u duceyno, dhamaanteenna aan Alle u laabanno si uu roob kheyr qaba noo siiyo, dadka Soomaaliyeed waxaa lagu yaqaannaa deeqsinnimo halkaas malyan waan quudin karnaa”. Ayuu yiri RW Xasmse.

Culimada Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay in ay door muhiim ah siiyaan sidii ay dadka ugu soo jeedin lahaayeen qatarta abaaraha uguna baraarujin lahaayeen is caawinta, halka uu haweenka iyo dhallinyarada ku boorriyay in ay u kacaan sidii looga hor tagi lahaa in marxaladda abaartu isku baddesho macluul daran.

In ka badan 755,000 oo qof ayaa ku barakacay gudaha dalka abaarta ba’an ee sanadkan jirta  awgeed, taasoo tirada guud ee inta abaartu soocoto ka dhigeysa 1 milyan oo qof - tan iyo bishii Janaayo 2021 markii ay aafada abaaruhu billowdeen, xilli ay UN OCHA sheegtay in bishii July oo keliya, 83,000 oo qof barakaceen.

Ku dhawaad 8 Milyan oo Soomaali ah ay abaaruhu saameeyeen, dhammaan gobollada dakana ayayna ka taagan yihiin xaalado bini’adannimo oo ka jawaabid degdeg ah u baahan, hal malyan iyo bar ka mid ah dadkaas abaaruhu saameeyeen ay yihiin carruur, kuwaas oo 500,000 oo ka mid ah ay nafa-darro wajahayaan.

Dhanka kale wuxuu sheegay in aafada abaarta kadib, ay xukuumaddiisu diiradda saari doonto xal u helidda mushlidda amni ee dalka ka taagan, gaar ahaan xasillinta caasimadda, wuxuuna cod dheer ku yiri, “Cadowgu guryaha ayay ku jiraan ee ka soo saara, hooyooyinku hala shaqeeyeen hay’adaha amniga ka masuulka ah”.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.