Muxuu salka ku hayaa dagaalka Al-Shabaab iyo Itoobiya?

Haddii uu suura galo qorshaha Itoobiya ka damacsan tahay, maamullada Koofur galeed iyo Hirshabeelle, waxa ay caqabad siyaasadeed ku noqon doontaa Soomaaliya, dhibka ugu bandanna wuxuu ku dhici doonaa shacabka deggan BAY, BAKOOL iyo HIIRAAN.

Warar Keydmedia Online
Muxuu salka ku hayaa dagaalka Al-Shabaab iyo Itoobiya?

MUQDISHO, Soomaaliya - Itoobiya waxa ay ku gooddineysaa in ay gudaha Soomaaliya ka sameysaneyso “Security Buffer Zone”, aag ka caaggan Kooxda Al-Shabaab oo ka baxsan xadduudkeeda, Dowladda Soomaaliya dhankeeda waxa ay sheegeysaa in Al-Shabaab oo ka baxsanaya howl-gallo soo socda ay u guurayan buuraha Itoobiya, halka shacabku ku jaha-wareersan yahay waxa uu salka ku hayo dagaalka ku dhawaad labad Isbuuc ka holcaya Xudduudka labada dal.

Weydiimaha shacabka ee dagaalka ku gadaaman ayaa aad u badan, waxaana la is su’aalayaa, ma TPLF oo dirir kula jirta Abiy Axmed ayaa dabka afuufeysa? ma Masar oo ka goddoodsan biyo xireenka Nile ayaa gadaal ka taagan? Ma Soomaaliya ayaa Game cusb ciyaareysa? Mise u jeedka dagaalkuba waa in Itoobiya xalaaleysato sidii ay gacanta ugu dhigi lahayd xukunka qaar ka mid ah dowlad gobolleedyada Soomaaliya.

Yeelkeede, hadal uu dhawaan sheegay Madaxweynaha Dowlad degaanka, Mustafa Maxamuud Cumar [Cagjar] oo ahaa in ay fariisimo ciidan ka sameysan doonaan gudaha Soomaaliya, ayaa sii xoojiyay shaki ku aaddan in dagaalka u dhaxeeya Al-Shabaab iyo Liyuu Boolis oo garab ka helaya ciidanka difaaca Itoobiya uu salka ku hayo dano siyaasadeed oo Addis abab ku dooneyso in ay ku fara-galiso nidaanka Xasan Sheekh Maxamuud.

Dadka falanqeeya siyaasadda waxa ay hadalka Cagjar ku macneeyeen, in Itoobiya dooneyso in ay gacanta ku dhigto degmooyin ku yaalla Gobollada Bay, Bakool iyo Hiiraan, si maamullada Koofur galbeed iyo Hirshabeelle looga xukumo Addis ababa, si la mid ah, sida Kenya u xukunto Jubaland, iyadoo Itoobiya marka hore marmarsiyo ka dhigan doonta Buffer Zone iyo in ay u socdaan la dagaallanka Al-Shabaab.

Duullaanka Al-Shabaab ku qaadeen Itoobiya, wuxuu billowday maalmo kadib markii uu baaqday socdaal uu Madaxweynaha Soomaaliya ku tagi lahaa Itoobiya, sababo la xirrira cudur-daar ka yimid Ra’iisul Wasaaraha dalkaas Abiy Amed, isla-markaana uu soo baxay warka sheegaya in Xasan booqasho ku tagayo Masar, Abiy si uusan MW Soomaaliya ula kulmin, wuxuu u socdaalay gobolka uu ka soo jeedo ee Oromia.

Durba diyaaradaha dagaalka Itoobiya waxa ay billaabeen in ay duqeymo joogto ah ka fuliyaan gudaha dalka iyadoo aan lagu wargalin Dowladda Federaalka si la mid ah kuwa Kenya, waxaana jira wax-yeello shacabka ka soo gaaray duqeymahaas.

Si kastaba, dagaallada lagu riiqmay ee ka dhacay degaanno dhaca xudduudda labada dal iyo gudaha gobolka Afdheer ee Dowlad degaanka, waxa ay u dhexeeyaan Al-Shabaab oo 15-kii sano ee la soo dhaafay ahyd mushkiladda ugu weyn ee Soomaaliya ka aloosan iyo Ciidanka Liyuu Boolis oo ku suntan dhibaateynta shacabka deggaan xudduudka iyo kuwa ka soo hor jeeda gumeysiga Itoobiya.

Todobaadkii hore, Maxamed Cabdi oo ah Guddoomiyaha Gobolka Bakool ayaa ciidanka Liyuu Boolis ku eedeeyay in ay aano qabiil u dileen dad Shacab ah, halka uu Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan hore ciidankaas ugu eedeeyay in si joogto u dhibaateeyaan shacabka deggan cirifka waqooyi ee gobolka Hiiraan.

Haddii uu suura galo qorshaha Itoobiya ka damacsan tahay, maamullada Koofur galeed iyo Hirshabeelle, waxa ay caqabad siyaasadeed ku noqon doontaa Soomaaliya, dhibka ugu bandanna wuxuu ku dhici doonaa shacabka deggan BAY, BAKOOL iyo HIIRAAN.

Markii uu meesha ka baxay Farmaajo oo ahaa saaxiibka Abiy Axmed, Itoobiya waxa ay isku diyaarisay in ay dib u soo celiso faragalintii maamullada, Madaxweynaha Punland Siciid Deni ayaana dhawaan tagay Addis ababa.

Dhawaan Madaxweyne Xasan wuxuu garabka ku dhiftay iskaashigii saddex geesoodka ahaa ee Abaiy, Farmaajo iyo Isaias Afwerki, wuxuuna codsi rasmi ah u gudbiyay Daladda Bulshada Bariga Afrika oo ay ku mideysan yihiin dalal ka xasilan, Itoobiya iyo Eritrea.

Maalmo kadib markii uu Farmaajo oo aa ahaa saaxiibka dalalka la jaalka ah Ruuskh-ka ee Geeska afrika oo ah Itoobiya iyo Eritrea uu xilka banneeyay, ayuu Joe Biden ku dhawaaqay inuu dib u soo celinayo ciidankii Washington ee joogay Soomaaliya.

Guud ahaan gobolka ayaa wajahaya loollan siyaasadeed, Wasiirka arrimaha dibadda Ruushka, Sergei Lavrov ayaa todobaadkii hore gaaray magaalada Addis Ababa. Arrimaahs is-beersaday ee dowrka waji leh Dowladda Soomaaliya waxa ay u muuqataa in ay ka jiifto siiba arrika xudduudka iyo damaca Itoobiya.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.