KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Dowladda cusub ee uu hogaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dooneysa in lacagtaan ka timid Bankiga Adduunka loo adeegsado howlaha Xukuumadda maadaama lagu jiro xilli kala guur ah oo labo maamul ay isku beddeleen xafiisyada.
MUQDISHU, Soomaaliya- Wasaaradaha Maaliyadda ee shanta Dowlad gobolleed ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay inay hakiyeen wada-shaqeyntii ay la lahaayeen Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Warkan ayaa lagu sheegay war-saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen Talaadadii. Dowlad gobolleedyada Federaalka ayaa ku eedeeyay Wasaaradda Maaliyadda in ay ka baxday shan heshiis oo la gaaray intii u dhaxeysay 2019 iyo 2020.
War murtiyeedka ka soo baxay Wasaaradaha laguma sheegin wax faah faahin ah oo ku saabsan heshiisyadii burburay ee lagu heshiiyey shirar gaar gaar ah oo ka dhacay magaalooyinka Addis Ababa, Kampala, Nairobi, Kismaayo iyo Muqdisho.
Hayeeshee KEYDMEDIA ayaa ogaatay in khilaafka cusub salka ku haayo lacag dhan 100 Milyan oo Doollar oo Wasaaradda Maaliyadda DF ay ka heshay Bankiga Adduunka, taasoo Dowlad gobolleedyadu ay dalbadeen in ay ka helaan ugu yaraan 50%.
Dowladda cusub ee uu hogaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dooneysa in lacagtaan ka timid Bankiga Adduunka loo adeegsado howlaha Xukuumadda maadaama lagu jiro xilli kala guur ah oo labo maamul ay isku beddeleen xafiisyada.
Bangiga Adduunka iyo hay'adda lacagta adduunka IMF ayaa hore shuruud ugu xiray DF & DG mideynta nidaamka canshuuraha oo aan wali jirin iyo xisaabaadka bangiyada, si loo gaaro bar dhamaadka barnaamijka deyn cafinta ee loo yaqaan HIPC.
MW Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ayaa booqasho ku tagay maamullada Galmudug, Koofur galbeed iyo Puntland, hayeeshee saacado kooban kadib markii uu ka soo laabtay Garowe ayay Wasaaradaha DG-yadu ku dhawaaqeen go’aankooda.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.