KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
RW Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa umba-baxay magaalada Baraawe, halkaas oo kaga sii horeeyo madaxweynaha Koonfur galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen.
BARAAWE, Soomaaliya – Wafti uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, ayaa dhawaan u ambabaxay magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha hoose, halkaas oo ka mid ah goobaha loo asteeyay in lagu qabto doorashada kuraasta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka JFS.
U jeedka safarka Ra’iisul Wasaaraha, ayaa salka ku haya, u kuur galidda xaaladaha guud ee degmada, gaar ahaan goobaha doorashada ee magaalada Baraawe, waxaana saacad ka hor magaalada gaaray Madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen.
RW Rooble, ayaa hore u sheegay inu kormeeri doono xaaladaha guud ee magaaloyinka loo asteeyay doorashooyinka, wuxuu hore hore u booqday magaalooyinka Kismaayo iyo Garbaharrey, waxaana la filayaa inuu dhawaan u socdaalo Jowhar.
“Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kormeeray garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, isagoo u kuur galay habsami u socodka howlaha garoonka, ka hor intii uusan socdaal ugu ambabixin magaalada Baraawe”. Ayaa lagu yiri war ka soo baxay xaafiiskiisa.
Ra’iisul Wasaare Rooble, wuxuu u muuqda inuu dadaal xooggan ku bixinayo in ay dalka ka dhacdo doorasho aan dib u dhac danbe lahayn, laguna soo gunaanado xilliga loo asteeyay.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.