Muxuu uga hadlay Swan Khudbadiisa Gollaha Amaanka?

Wuxuu sheegay Swan inay kordheen weerarada argagaxiso ee Al-Shabaab, kuwaasoo intooda badan ka dhacay magaaladda Muqdisho.

Warar Keydmedia Online
Muxuu uga hadlay Swan Khudbadiisa Gollaha Amaanka?

MUQDISHO, Soomaaliya - James Swan, ergayga gaarka ee UN-ka u fadhiya Soomaaliya, ayaa Maanta Khudbad u jeediyay Gollaha Amaanka, taasoo uga warbixiyay xaaladda dalka.

Afar arrin ayuu diiradda ku saarey Swan khudbadiisa, kuwaasoo kala ah doorashadda, Amniga, Bini'aadanimo iyo AMISOM. Waxaa ku wehliyay hadal-jeedinta Wakiilka Midowga Afrika.

Amniga: Swan ayaa sheegay in dhowrkii Todobaad ee lasoo dhaafay ay Al-Shabaab kordhisay qaraxyada iyo weerarada kale, oo intooda badan ka dhacay Muqdisho iyo Maamulada kale.

Doorashadda: James Swan ayaa xusay in doorashadda hoos uga dhacday rajadii laga qabey, iyadoo illaa hadda la doortey kuraas ka yar 140, iyadoo waqtiga Feb 25 ka hartay 10 maalin.

AMISOM: Wuxuu sheegay in guulo waaweyn laga gaarey howlgalka AMISOM balse baahidii dalka loo keenay ay weli jirto, isagoo ku baaqey in Ciidanka sii joogaan illaa bedel laga helayo.

Bini'aadanimada: James Swan ayaa tilmaamay in Xaaladda bini'aadantinimo ee Soomaaliya ay weli khatar tahay, iyadoo 7.7 milyan oo qof u baahan yihiin gargaar bini'aadantinimo 2022.

Soomaaliya waa tan ugu daran abaarta saamaysay Geeska Afrika, oo ay saamaysay 4.3 milyan oo qof iyo in ka badan 270,000 oo qof oo dhowaan ku barokacay abaarta.

Soomaaliya waxay wajahaysaa masiibo bini'aadantinimo oo isku bedeli karta macluul lamid ah midii 2011, hadii aan si deg deg ah wax looga qaban, sida ay sheegeen hay'adaha.

Mar uu soo hadal qaadey Khilaafka Farmaajo iyo Rooble ayuu hoosta ka xariiqay in khatar ku yahay xasiloonida siyaasadeed dalka, maadaama loolan dhanka awoodda ah ka dhaxeeyo.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.